Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In saacadaha Soo Socda Ay Go’aamo adag ka Soo Saarayso Colaada Ka Socota Gobolka Sool ee u Dhaxaysa Beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame.

April 15, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Caqli iyo xikmad Aad idinku Leedihiin Kuma kala Joogtaan ee Waxaa Ku kala Joogtaan Awoodda Dawladda Somaliland.” Wasiir Maxamuud Xaashi

 

Laascaanood (SLF) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda oo ku sugan gobolka Sool ayaa shaaciyey in Xukuumaddu ay saacadaha soo socda go’aamo adag ka soo saarayso Colaada ka socota koonfurka gobolkaasi ee u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi iyo weftigiisa oo ay ka mid ahaayeen Saraakiisa u sareeya ee ciidamada Qaranka ee Somaliland ayaa maanta booqday Deegaanka dhuumay oo ku yaala koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay kula kulmeen odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame) oo colaad mudo jiitamaysay oo dhiig badani ku daatay ay ka dhex socoto deegaamada koonfurta Sool.

 

Md. Maxamuud Xaashi oo meel fagaare ah kala hadlay dadka halkaasi ku dhaqan ayaa ka waramay doorka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay dhex galka iyo kala hor joogsida beelahaasi walaalaha ah ee dagaalku ka dhaxeeyo, iyo sida ay ugu go’an tahay in colaadaasi loo helo xal waara.

 

Waxaanu yidhi Wasiirku “ Odayaasha, waayeelka iyo haweenka reer Dhuumay ee halkan  maanta aanu booqashada gaaban ugu nimid iyo intayadan socotada ahba dhamaanba Asalaaamu calaykum. Ugu horayn ILAHAY ayaa (SWT) wax walba qadaray isagaa dunidan oo dhan maamula, qadarka ILAAHAY raali baynu ka nahay, waxa aynu ku jirnaa xaalad adag oo abaar ba’an oo maanta ina haysata mudo dheer oo lix bilood ah ayaa dadka Somaliland inteeda badan ku nool ay maanta la tiicayaan tabaalaheedii, waa nasiib darro inaga oo taa nabaradeedii aynu qabno oo gurmadkeedii aynu u faydan nahay oo ay tahay in waxa kaliya ee aynu ka shaqaynaa ay taa noqoto in ay inoo raacdo in waxa kaliya ee aynu gacmaheena ku kasbano oo colaad ah.”

 

“Colaad iyo abaari bulshada ay isku galaan waxba kama soo doogaan, way baaba’aan, caqli ahaan iyo damiir ahaan ayey u baaba’aan tiro ahaana way u baaba’aan, hadii abaar iyo colaad iyo ILAAHAY inagguna keenee cuduro inagu dilaacaan, oo labadaasi ay ka dhashaan waynu jabaynaa, taladuna waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo, waxa aynu u baahan nahay inuu caqligu shaqeeyo, waxa aynu u baahan nahay in aad dantiina garataan oo ILAHAY ka cabsataan, dad rixim ah oo dhaleeyo ah oo qoys ah baa tihiin oo dhulkan ILAAHAY kuwada beeray inaad isu tudhaan, nafahiina u tudhaan aakhiradiinana u tudhaan, ifkiinana u tudhaan, in badan ayaa laydhin waaniyaa, waa daw xaqbaa la idiinku leeyahay.”

 

Wasiir Maxamuud ayaa la garnaqsaday odayaasha Deegaankaasi waxaanu yidhi “Halkan waxaan ka maqlayey Nin oday ah oo ka hadlayey oo yidhi “Xigaalna waanu waynay Xukuumad-na waanu waynay, ” waxaanu leenahay dhibaatada binu-aadamku isagaa keena, dhibtan xigaalkiina ma keenin Xukuumadda Somaliland-na ma keenin, idinkaa gacmahiina ku kasbaday, waa markhaati ma doon in laydiin soo gurmaday, Xukuumadda Somaliland wax Alle wax aanu hagranay ma jirto, waxa kaliya oo dhinaa hal shay, shay’gaasna malaa hadaa nagu khasbaysaan baan filayaa dee in aanu idin layno ayuunbaa noo dhiman, marka aan runta idiin sheego, oo mayd badan oo idinka ah aanu layno. Waxaanu keenay oo sanadkaa aad is dilayseen dushiina iyo hareerihiina tuban waxaa wiil qori madow sita, inamadaa inanna aanay deegaankiisii halkani ahayn, ee bacadka abaarta iyo silica iyo duruufta qaba ayaa idin dul taagan, waa ciidankii loogu tallo galay in hadii cadow shisheeye dibada inagaga yimaadaan inay difaacaan, dee idinku cadow shisheeye ma tihidin, waa ciidamadii loogu tallo galay inay xeryo go’an ku jiraana ayaa maanta dhexdiina taagan, Koobyo toban guuto oo ciidamada qaranka ah ayaa intaa 50KM ah ku hareeraysan mudadaa tobanka bilood ah ee ilaayo ramadaantii hore, ee shaydaan isku kiin ibtileeyey ee colaadaa iyo dhiig talaalkaa dhexdiinu socday, hadaay kuwaasi idin dhex joogin maanta jawigani may yeelateen, iska daaye Dhuumay maydaan wada joogteen, waydinkaa masaajidka ku wada tukanaya, waydinkaa magaallada wada jooga, maydaan wada joogteen,  Dabataag-na maydaan wada joogteen meelo kalena maydaan wada joogteen. runta aan isku sheegno, dawladdu waa tii taa suuro galisay, maxaanu hagranay hadaanu waxaas oo cudud ah idiin keenay? Oo ciidankiina idinku dul silcay, waxa weeye ayda iyo buuraha iyo banaanada meel walba ILAHAY ayaa ilaalin kara, waydinkaa meel walba iska doonaya, gaade ayaa isku madhiseen, waar dee ciidamo isku soo duulay oo lixaadle iskumaydaan layn, hadaan ciidamadaasi joogina ila tobankaa bilood, maanta intii colaadu idiin dhaxaysayna tira dadka dhintay waanu garanaynaa dawladdii dalkan ayaanu nahay, hal maalin ayey dadkaasi dhiman lahaayeen hadaanay ciidanku isku kala dhex jirin, maanta caqli iyo xikmad aad idinku leedihiin kuma kala joogtaan ee waxaa ku kala joogtaan caqliga iyo awoodda dawladda Somaliland, markaa waa abaal ka dhac inaad tidhaahdaan waa isku kaayo eegteen, waar iskumaanu kiin dirin iskumanaanu kiin eegin ee waanu idin kala celinay, waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, xigaalkiina idinma hagran, Dhuumay intaas oo jeer ayaa egto timid.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku  daray “ Ma dhicin taariikhda reer reer kale meel ka saaran oo ka muquuniyey, miyaa idinku haysaan? Qolo qolo muquunin kartaa ma jirto, ma kala awood badnidin, mana kala itaal waynidin, mar haday sidaa tahay berri marka raggu madho ayuubaa daali doontaan, maanta sideetan in ku dhaw baa colaadaasi galaafatay oo xabaalo ku jira, boqol iyo kontana waa dhaawac, waa nasiib darro, waa laba boqol iyo sodon dhimasho iyo dhaawac wax ku dhaw, bari ayuubaa la odhanayaa waar waxa nool ma u talinaa, intaas ayuubay aakhirka ku dambaynaysaa, dee maynu imikaba u talino intaan dhimashada iyo khasaaruhu badan, waxaanu leenahay oo Nabadda oo intiina wanaagsani iskaashada oo inta xun ka hor kaalaya, oo waxaanu u kaalinaynaa kuwa wanaaga wada ee nagala shaqeeya.”

 

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumaddu ay saacadaha soo socda go’aamo adag ka soo saarayso Colaadaasi waxaanu yidhi “ Hawshan  dawladdu horena waa ugu jirtay maantana waxaanu qaadaynaa talaabooyin kuwii hore ka xoog weyn mudo dheerna daraasad ayaanu wadnay, go’aamo degdeg ah ayaanu wakhti saacado innaga xiga soo saari doonaa, kuwo adag, oo ciday saamayn ku leeyihiin ay labadiinan reer tahay,. Hadii ALLE ka dhigo, nin walowba dhagta u taag go’aamadaa, nin walowba adeec go’aamadaa. Cidii go’aamadaa ka hor timaada baryi mayno, sidii rag loo kala muquunin jiray ayaa laydiin kala muquuninaynaa.”

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now