Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Shaqaaqo dhimasho iyo dhaamac keentay kuna baaqaday in Nabad galiyad lilaaloyo

December 7, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (Somalilandfuture)) Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay shaqaaqooyinka maanta iyo xalay ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen laba qof kuna dhaawacmeen illaa todoba 7 qof oo kale.

 

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramay laanta af-soomaliga BBCda,ayaa ka digay khatarta muranka ka dhashay ee najiitadii doorashada ee xalay lagu dhaawaqay.

 

Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay xukuumada ka shaqaysay sidii Sallaadiinta iyo madaxda ururka Xaqsoor u dejin lahaayeen xiisada taagan, waxaana uu dadka taageera ururka ugu baaqay in ay kicin qalalaase, isaga oo ku tilmaamay guddoomiye Muj. Xasan Ciise Jaamac yahay muj. Wadanka u soo halgamay wax badan u soo qabtay Somaliland.

 

“Runtii waxa aanu ilaa xalay (habeen hore) ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisanna waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Addeer ka daaya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

 

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku baaqay rabshada la joojiyo nabad galyadana la ilaaliyo, waxaanu sheegay in mudaharaadyada lagu baaqay ay sii xumayn doonaan xaalada hadda oo qasan, isla markaana loo baahan yahay in ay la joojiyo xasaradaha .

wariye siciid xuseen yuusuf 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Wadka Wada Hadalka Xukuumada Iyo Mucaaridka. W/Q: Saynab Guure‏    May 27, 2015
Wadka wada hadalka xukuumada iyo mucaaridka meel kale loo raadin aayo, reer Somaliland meel
somaliland Somaliland Tira-koobkeedu Muqdisho Ma Mayaalo: Qalinkii—Khadar Awrliq‏    May 27, 2015
Duulku faan badnaa, kuye’e Somaliland ayaanu tira koob ka samaynay oo aanu soo ban dhignay
GetAttachment.aspx Boorama Magaalo Hantideedu Tahay Aqoon‏    May 25, 2015
Judhaba waxa lagu horkeenayaa jaamacadda camud markaad maqasho magaalada Boorama, waa kob aqoonta iy
Siilaanyo Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Wada Tashiga. W/Q: Khadar Awrliq‏    May 24, 2015
Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay muujisay
Tacsi tiiraanyo leh.    May 24, 2015
C/shakuur Muxumed Ducaale C/rashiid Cabdi ismaaciil Khadar Aadan cabdi Ibraahin maxamed Xusseen
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2015
M T W T F S S
« Apr    
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now