Xisbigii Kulmiye oo laga dareeray, sababteedana uu yeeshay wasiir Maxamuud Xaashi.

August 3, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)-  Iyadoo dhawaan la filayo inay doorashadii madaxtooyadu ka dhacdo dalka somaliland ayaa waxaa socda is xulafaysi iyo ololayaal is daba socda inkastoo aanay gaadhin waqtigii loo cayimay ololaha. Hadaba waxa hada waqtigan xaadirka ah uu loolanka ugu adagi ka dhexeeyaa labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani oo xumadooda laga dareemayo dhamaan geyiga somaliland.

Xisbiga Wadani oo ah xisbi yar oo curdin ah ayaan hadana indhaha laga qarsan karin xawligii iyo dhaqsihii uu u soo koray ee uu kusoo fuulay salaanka xisbiyada hormoodka u ah dalka, Xisbigu wuxuu ku naaxay oo soo tiiriyey  jabaabiir intooda badani ka yaaceen xisbiga Kulmiye oo aan kala joogsi lahayn. Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul-xaakimkii wadanka ayaa wuxuu wadnaha farta kaga hayaa sidii uu uga guulays lahaa xisbiga socod baradka ah ee wadani.

Waxa kale oo xisbiga Kulmiye taa u dheer oo laga baqayo inuu kala jabo oo noqdo laba qaybood oo kala raacsan wasiir Maxamuud Xaashi oo ah shiqsiga xilligan ugu wacan kala faquuqa xisbiga iyo qayb raacsan Maxamed Kaahin oo labaduba ay quud daraynayaan inay la wareegaan gudoomiyenimada xisbiga.

Hadaba Maxamed Kaahin oo ah gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye ayaan isagu wadin wax olole ah ama kicin ah oo uu ku doonayo kursiga gudoomiye-nimada xisbiga, halka Maxamuud Xaashi uu muddo hadda labo sano ah ama ka badanba uu ka dhex ololaynayey madaxtooyada iyo dibadeedaba, wasiir Xaashi wuxuu kaloo uu meeshaba ka saaray ololihii iyo kaambaynkii  uu xisbigu ku hanan lahaa mar labaad talada dalka, waxaanu taa bedelkeeda ku bedelay olole uu shaqsi ahaan doonayo inuu ku guulaysto oo ah gudoomiye-nimada xisbiga, waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii arinkaa uu uga midha dhalin lahaa, wuxuuse wasiir Xaashi aanu kuba fekerin oo ka madhanyahay in hadii uu xisbigu guul daraysto aanu hawaysanaynin kursiga uu ku hamiyayo, waa hadii uu ku adkaysto inaanu u ololayn sidii xisbigu kusoo bixi lahaa.

Maanta oo bishu tahay 03-08-17- waxaa xisbiga iskaga huleeyay salaadiintii ugu cuslaa ee kasoo jeeda beesha Gabooye oo uu hogaaminayo suldaan Nadiif Saydh oo ahaa suldaankii illaa waqtigii Kulmiye soo baxay kamid ahaa haldoorka xisbiga.  Suldaanku wuxuu eedayn culus usoo jeediyey wasiir Xaashi oo uu sheegay inuu yasay oo quudhsaday isaga iyo oday dhaqameedyo kale oo uu dhawr jeer ugu keenay madaxtooyada si uu u qaabilo, laakiinse ay kala kulmeen tiiqtiiqsi iyo ku tumasho. Arinkaasina waa ka sababay inay iskaga huleelaan xisbigii ay lasoo halgameen oo uu sabab u yahay wasiir Xaashi.   Maaha dhacdadan oo qudha ee waxa jira oo marag madoon ah in shacab aad u badani ay wasiir Xaashi xushmad la,aantiisa dartii ay uga dareereen xisbiga, Musharaxa xisbiga ee Muuse Biixina waxay arintiisii noqotay afsalax ku dheg oo wuxuu ku hadlo iyo waxuu ka hadlo ayuu garan la,yahay. Waxaad halkan hoose ka daawan kartaan suldaan Nadiif iyo sababihii ku kelifay inay ku biiraan xisbiga Wadani.

hqdefault

Isku soo wada duuboo waxa intaa yar ee ka hadhay doorashada laga baqayaa in xisbul-xaakimkii Kulmiye ee balaadhnaa la bililiqaysto oo ay ku war helaan uun iyagoo gegi cidla ah taagan, waa hadii aanu musharax Muuse Biixi gaadhin go,aamo degdeg ah oo uu ku xalinayo mushaakilaadka ka taagan xisbigiisa gudiihiisa.

 

Somalilandfuture Online.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now