Xisbiga WADDANI oo Barakacayaasha Duleedka Salaxlay Gaadhsiiyey Deeq Iskugu Jirta Geel Qalniin ah iyo Booyado Biyo ah[+SAWIRO]

July 14, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Salaxley(SLF):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa deeq iskugu jirta biyo iyo weli ba laba neef oo Geel ah oo la qalaayo gaadhsiiyey dadka barakacayaasha ku ah duleedka magaalada Salaxley oo ay soo haleeshay abaartii darneyd ee wakhtiyadii dhawaa ka dhacday dalka.

Murashax Cirro oo uu weheliyo Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir, ayaa markii uu halkaas gaadhay, waxa ay dadkaas danyarta ahi ku soo dhaweeyeen gacmo iyo qalbi furan iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay weftigaasi ugu yimaadeen dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa la hadlay, ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah maadaama oo uu guryahooda ku soo booqday dad danyarta oo ka soo qaxay abaarahii dalka ka dhacay, waxaana uu cod dheer ku sheegay in ka xisbi ahaan ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay garab u la noqon lahaayeen dadka danyarta ah isaga oo sheegay in maanta ay ku deeqayaan Laba neef oo GEEL ah oo uu sheegay in loo qalo isla mar ahaantaana hilib ahaan looggu kala qeybiyo dadkaas danyarta ah iyo weli ba sida oo kale shan booyaddood oo biyo ah oo iyaga na uu ugu tallo galay in ay isticmaalaan dadkaasi.

Qaar ka mid ah dadkaas danyarta ah oo iyagu na la hadlay, ayaa ka mahad-celiyey deeqdaas uu soo gaadhsiiyey cabdiraxaman Ciro iyaga oo ugu duceeyey in Alle u fududeeyo waxa uu doonaayo.

1 2 3 4 5

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now