Xildhibaan Garaad oo ku Dalacay Aflagaadadii uu u Gaystay Genaraal Nuux Taani iyo Abiib Timacad Mohamed Hassan Aadan – London UK

March 16, 2012 - Written by Editor

Xildhibaan Garaad oo la wada ogaa wuxuu saxaafada u marin jiray masuuliyiin xilal ka hayaa qaranka ayaa loo magaacaby wasiir.
Garaad oo ka soo jeeda gobolka Awdal, kana tirsan Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu aflagaado saxafadda u mariyey xilligii ay dilalka foosha xumi ka dhaceen deegaanka Seemaal Nuux Taani oo markaa ahaa taliyaha ciidanka qaranka iyo la-taliyaha arrimaha siyaasadda madaxweynaha Mr. Abiib Timacad, isagoo marar badan saxaafad ka sheegi jiray inay ka dambeeyan dagaalkii Seemaal oo la wada ogyahay cida ka danbaysay, waxaannu xildhibaankaas madaxweyne Siilaanyo inuu noqdo Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda, isagoo iska indho tiray meel-ka-dhaca iyo sharaf dilka Xildhibaanka wasiirka laga dhigay ku sameeyay madaxda qaranka xilka ka hayay.
Haddaba, dad badan ayaa isweydiinaya tallow; Madaxweyne Siilaanyo muu la ogaa caydii Xildhibaan Garaad ku sharaf dilayay Gen. Nuux Ismaaciil Taani, taasoo la odhan karo malaha way is ogaayeen Siilaayo iyo Garaad oo maantaba waakaas xilka wasiirimo u magaacabaye.
Xildhibaan Garaad oo maanta ah wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland hadii golaha wakiilladu ansixiyaan marka la horgeeyo, waxa lagu xusuusan doonaa hadaladiisii xajiinta lahaa ee uu doonayey inuu isku dhufto dadka walaalaha ah ee reer Gabiley iyo Awdal, iyadoo xilligaas Nuux Taani sheegay inuu maxkamad u gudbinayo Xildhibaan Garaad si wax looga weydiiyo aflagaadooyinkii uu kula kacay xiligii dilalku ka dhaceen deegaanka Seemaal.
Haddaba ummadda reer Somaliland ayaa is waydiinaysa xukuumada Axmed Siilaayo ay ku soo badanayaa dad aan ummadda xil u qaban Karin, laakiin luminaysa taageradii ay ka haystay shacabka, waxaanan kula talinayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu ka noqo xilka wasiirnimo ee loo magacaabay Xildhibaan Garaad uu u magaacabay cid kale oo hanan karta u dhiibo oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.
Mohamed Hassan Aadan – London UK

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
S2850026 Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go’Aamo Laga Gaadhay.    May 25, 2013
Ceerigaabo(SLF)-   Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dh
18m iyo istan buulk 666 Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul    May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa
news3 Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka    May 24, 2013
  Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado
Ila-eeg iyo Kula-eegay Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM.    May 23, 2013
   ILA-EEG:    Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday
mm siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka    May 23, 2013
  Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2013
M T W T F S S
« Apr    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    9 visitors online now