Xasan Ciise Waxa Alaale Iyo Waxaa Xukuumadda Ku Jira Isagaa Uga Lexeejeclo Badan Dalkan, Wasiirka Arrimaha Guduhu-na Xabada Ayuu Xal U Arkaa” Muj. Cali Maxamed Yuusuf
December 8, 2012 - Written by EditorHargeysa (Somalilandfuture)Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Dalka ka dhacay ku tilmaamay tii u horasay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guul-daraysatay.
Muj. Cali Maxamed Yuusuf oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeys ayaa sheegay in Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac aanay jirin cid uga laxee-jeclo badan Nabadda iyo Jiritaanka Somaliland, waxaanu Wasiirka Arrimaha Gudddaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ku tilmaamay Shakhsi xal u arka Xabadda.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waa Doorashadii ugu horaysay ee Somaliland ay ku guul-daraysato, Guul ii noqon mayso Guul-darada Somaliland waxay Guul u noqonaysaa kuwa ay Guusha Somaliland ay Guul-daradda u tahay, waxa inoo bilaabmay cahdi cusub waxaynu ilaali jirnay magac”
Mujaahid Cali-gurey waxa uu intaas ku daray “Dad aan tudhay oo aan Dalkan lexee-jeclo ka lahayn ayay taladeednii oo dhami gacanta u gaash oo waxa Dalkan ka dhacaya oo dhan Masuuliyadeeda iska leh, waxaan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Rasaastii ay Ciidanku ridayey. Caruur yar-yar oo aan wax Hub ah sidan ayaa Wasiirka Arrimaha gudduhu inta uu Ciiddamo u diray ayaa Rasaas laabta lagaga soo wada dhuftay hadda-na weli wuu hanjabayaa, waxaanu u arkaa inay Xabadu xal tahay hadday xal noqota-na isagaa tuurinka u sidda”
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Muwaadinka Xasan Ciise Jaamac waxa alaale iyo waxaa Xukuumadda ku jira isagaa uga lexeejeclo badan Dalkan iyo Dadkan, waayo inta isaga ka gashay kamay gelin, sidaa darteed anigu ma qabo inay Doorashaddani weli inay dhamaatay 7 Urur mid-na wixii xaqa uu u lahaa inuu helayo u malayn maayo waa wax loo buriyey iyo mid laga baabiiyey. Horta Jini Ninkii keenaa furdaamiya waxa waxan baabiiyey ee sidaan wax u galay waa Komishanka iyo Xukuumadda u malay-maayo intay kala guraan inay Cadaalada sugi-karaan, laakiin wixii ay wax ka qaladamaan xaq bay u leeyihiin inay dacwoodaan”
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Somalilandfuture Hargeysa
Siciid4@yahoo.com
ILA-EEG iyo KULA-EEGAY ee khamiis laha ahaa oo aan khamiistii idiin soo gudbin barnaamijkii oo maanta eegaya Daahir Culusaw iyo weerarka uu ku hayo Dahab-shiil. June 18, 2013
ILA-EEG: Waxa la yidhi beleda aan kaa qoslini belo maaha, miyaa aragteen yarkii mooryaank |
Maroodi-jeex Oo U Gudbay Ciyaarta kama Damaysta, Markii ay 2-1 Kaga Tallaabsadeen Xulkii Gabiley June 18, 2013
Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) ayaa galabta u gudbay ciyaarta kama damaysta e |
|
Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia June 18, 2013
HARGEYSA (Halgannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogola |
Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia June 18, 2013
HARGEYSA (SLF)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho k |
Kulanka xalay ee Ururkii Xaqsoor iyo Madaxweynuhu ay ku yeesheen qasriga. June 18, 2013
(SLF)- Kulan caawa ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo madaxweynaha JSL, uu |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




