Xasan Ciise oo Cusbitaalka ku Booqday Dadka ku Waxyeelloobay Rabshadihii Hargeysa ka Dhacay
December 9, 2012 - Written by EditorHargeysa (Somalilandfuture) Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa Cusbitaalka Edna Aadan ku booqday shalay dadka ku dhaawacmay mudaharaadkii rabshadaha watay ee dhowaan ka dhacay degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa oo haatan lagu daawaynayo.
Md. Xasan Ciise Jaamac, waxa uu dadkaas oo dhammaantood ku dhaawacmay rasaas ciidammada boolisku u adeegsadeen dadweyne gadoodsan Ilaahay uga baryay caafimaad degdeg ah, isagoo kuwii rabshadahaas ku dhintayna Eebbe u weydiiyey naxariistii janno.
Qaar ka mid ah dadka waxyeelladu soo gaadhan oo dhaawacoodu fudud yihiin, ayaa iyaguna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR uga warramay xaaladooda caafimaad sidii dhibaatooyinku u gaadheen.
Haweenay ka mid ahayd dadka dhaawac ah ee jiifa Cusbitaalka Edna, ayaa sheegtay in askari ka tirsan bilasyku uu madaxa kala dhacay qoriga dabadiisa, iyadoo xustay in dhaawaceedu aad u soo raynayo, xaaladeeda caafimaadna wanaagsan tahay.
Dhanka kale, qaar ka mid ah ehelada dadka ku dhaawacmay rabshadahaas, ayaa Guddoomiyaha XAQSOOR uga mahadnaqay booqashada dhallinyarada taageerayaasha ururkiisa ah ee waxyeelladu soo gaadhay
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Somalilandfuture Hargeysa
Siciid4@yahoo.com
TeLL 25224461316
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka May 24, 2013
Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado |
Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM. May 23, 2013
ILA-EEG: Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday |
Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka May 23, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey |
|
Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji.Ibraahim. May 23, 2013
SHEEKH CALI XAAJI IBRAAHIM XIRSI 1905 ------1984 16/may/2013 |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




