xanuunka macaanka (Diabetes)

December 6, 2012 - Written by admin1

Xanuunka macaanku waa cudur aanuu jidhkaagu si habboon u isticmaali karaynin cuntada aad u cuntid inaad tamar ka hesho. Unugyadaadu waxay u baahan yihiin tamar si ay u noolaadaan una koraan.

Markaad cunto cuntid, jidhkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo macaanka .
Glucose-tu waxay tagtaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda. Insulin waa hoormoon ay samayso xammeetidaadu (Pancreas). Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga ka dhaqaaqdo ayna tagto unugyada jidhkaaga si markaas jidhkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Dadku ma noolaan karaan insulin la’aan.

Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo xanuunka macaanka ah.
• Macaanka Nooca 1, xammeetidu ma samayso insulin.
• Macaanka Nooca 2, xammeetidu ma samayso insulin ku filan ama jidhkaagu ma awoodo inuu isticmaalo insulin-ta ay xammeetidu samayso.
• Macaanka  ilmuhu uurka jiro waqtiga uurka, hooyadu ma awooddo iney sameyso insulin ku filan si ay ugu daboosho baahida hooyada iyo ilmaha labadaba.

Arrimaha Halista leh ee Xanuunka Macaanka 
Waxaad in badan halis ugu jirtaa inaad Macaan qaaddo haddii:
• Aad ka soo jeeddo qoys ay kuwa kale Macaan qabaan
• Uu miisaankaagu xad dhaaf yahay
• Aad ka weyn tahay da’da 40 sano
• Aadan fir-fircooneyn jidh ahaan
• Aad Macaanka qabtay waqtigii uurka (sonkorow ilmuhu uurka ku jiraan) ama ilmo miisaankiisu yahay  4 kiilo ama ka badan waqtiga dhalashada

 

Calaamadaha macaanka (Sonkorta):
• Haraad badan
• Daal badan
• Kaadi badan
• Arag ciiro ku jirto
• Miisanka jidhka oo aad hoos ugu dhaca
• Dhaawacyada oo si gaabis ah u bogsada
• Gaajo joogto ah
• Maqaarka oo ku cun-cuna
• Kabuubyo ama xan-xano cagaha iyo/ama gacmaha ah
• Dhibaatooyin ka yimaada dhinaca hawlaha galmada

Dadku badanaa ma laha calaamado inkastoo heerka glucose-ta dhiiggoodu ay sarrayso. Waxaa xanuunka macaanka lagaaga baari karaa iyadoo dhiig lagaa qaado.

Daryeelkaaga  
Ujeeddadu waa in heerka glucose-ta laga dhigo mid ugu dhow sida caadiga ee suuragalka ah.
Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara:
• Qorsheynta cuntooyinka aad cunayso
• Baadhidda heerarka glucose-ta
• Calaamadaha barashada si aad u ogaatid marka heerka glucose-taadu ay aad u hooseyso ama aad u sarrayso
• Jidh dhis
• Daawo qaadasho: insulin ama kiniino

 

BY , Dr khadar ismaaciil xassan( Dr  ina camuud)

Southern medical university , china

Email : khadar102@hotmail.com

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
Siilaanyo Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Wada Tashiga. W/Q: Khadar Awrliq‏    May 24, 2015
Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay muujisay
Tacsi tiiraanyo leh.    May 24, 2015
C/shakuur Muxumed Ducaale C/rashiid Cabdi ismaaciil Khadar Aadan cabdi Ibraahin maxamed Xusseen
sheekh Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi 1905-1984. W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar Q.3aad‏    May 22, 2015
  Aasaaskii Jimciyada khayriga ahayd ee SNS Sheekhu wuxuu qayb ka ahaa aasaaska Jimciyad la od
Aqoonyahan Reer Sool ah Oo Mar Kale Dhaliil Culus u Soo Jeediyey Xukuumada Somaliland.‏    May 21, 2015
Aqoonyahan Cabdikariim Saalax Maxamuud ayaa mar labaad usbuucan gudihiisa daaha ka Qaaday  ifti
GetAttachment.aspx Hambalyo Maareeyaha Cusub ee TVga Qaranka JSL iyo Sagootin Maareeyihii Hore oo u Dallacay Lataliye Madaxweyne By: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed‏    May 21, 2015
Asalaamu Calaykum,Maanta ayay ahayd markii uu Maareeyihyii hore ee TVga Qaranka Saaxiibkay Khadar Xa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2015
M T W T F S S
« Apr    
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now