Weftigii Ugu Balaadhnaa oo Gaadhay Koonfurta Sool & Luuqad adag oo ay Kula Hadleen Dirir u dhaxaysay Laba Beelood

April 15, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)-Waftigii balaadhnaa ee ka socday xukumada s/land ee hawsha nabadaynta u tagay gobolka sool ayaa maanta si rasmiya u gudo galay hawshaasi.

 

Waftigan oo saaka ka amba baxay xarunta gobalka sool ee laascaanod  ayaa socod ku maray deegaanada kala aha kalabaydh, dharkayn geeyo, dhumay, dabo taag, iyo deegaano kale oo ka tirsan koofurta gobolkaasi oo ah meelihii ay dhibaatadu ku dhexmartay labada beelood ee walalaha ah.

 

Waftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirada wasaaradaha madaxtooyada, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, caafimaadka, waxbarashada, wasiir dawlaha beeraha , taliyaha guud ee ciidanka qaranka, gudoomiyaha hay,da shaqaalaha, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye, maamulka gobolka sool iyo ka degmada laascaanood ayaa waxay la hadleen waxgaradii iyo dadwaynihii ku sugnaa deegaanad ay mareen.

Wasiirka madaxtooyada JSL oo ka hadlaayey goob kamid ah meelaha ay dadka kula kulmeen wax uu sheegay in xukumadu waxba kala hadhayn hawlaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee mushkilada ku soo noqnoqotay deegaanka.

Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay in hada ka bacdi loo dulqaadan doonin dad rayid aha oo hubka wax dili kara sita , waxa uuna u mahad celiyey wasiirku ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland kaalinta ay ka qaateen hawshaasi.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now