Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi iyo Kulamadii maanta ee safaaradaha Denmark, Finland, Australia, hay’adda USAID iyo Afhayeenka Baarlamanka Kenya

March 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Nairobi ( SLF)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID.

Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.

Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay’adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.

Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.

Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.

Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

 

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now