“Waxaanu Maanta Halkan xadhiga ka Jarnay Dhismayaal Ay Xukuumadda Somaliland Ka Samaysay Degmada Kalabaydh Ee Gobolka Sool” Wasiirka Madaxtooyada JSL

April 15, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Kalabaydh- (SLF)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray mashaariic Horumarineed oo ay Xukuumaddu ka fulisay Degmada Kalabaydh Ee Gobolka Sool.

 

Wasiirka oo hogaaminayey Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda Somaliland oo ku sugan gobolka Sool, kuwaas oo saaka gaadhay Deegaamo ay ka mid yihiin Kalabaydh iyo Dhuumay ayaa sidoo kalena ka hadlay dadaalka Xukuumadda Somaliland ay ugu jirto Nabadaynta iyo Horumarinta gobolka Sool.

 

Wasiir Xaashi oo warbaahinta ka hadlay ka dib furitaanka mashaariicaasi horumarineed ayaa yidhi “ Asalaamu calaykum, farxad ayey noo tahay in aanu maanta halkan xadhiga ka jarnay dhismayaal ay Xukuumadda Somaliland ka samaysay degmada Kalabaydh ee gobolka Sool, oo sadex qaybood ka kooban, saldhigii degmada booliska, gurigii martida, iyo xaruntii maamulka dawladda hoose ee degmada Kalabaydh. Dhismayaashani muhiim ayey u ahaayeen degmadan, degmadani waa mid weyn oo deegaan weyn kulmisa siyaasada ay Xukuumaddu ka leedanahayna waxa ay salka ku haysaa degmooyinka D-da ah in la kobciyo oo la weyneeyo oo adeegyo badan loo sameeyo. Mashaariicda aanu maanta furnay waxa kale oo ka mida xanaanada hooyada iyo dhalaanka  MCH-ka ee magaalada Xidhxidh.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka hadlay degmooyinka kale ee Xukumaddu ay mashaariicda horumarineed ka fulisay Iyo saamaynta xaalada abaareed ku yeelatay mashaariicda horumarineed ee xukuumadda madaxweyne Axmed Silaanyo dalka ka waday, waxaanu yidhi “ Tan oo kaliya maaha meelaha ay Xukuumadda Somaliland dhistay sannadkii u dambeeyey meelo faro badan ayaanu dhismayaal badan ka fulinay, waxa ka mid ah degmada weyn ee Xudun, wax aka mid ah fiqifuliye, waxa ka mid ah Awr-boogays iyo Taleex oo Iyana aanu dhismayaal badani ay had aka socdaan, waxa ka mida magaalada Laascaanood oo mashaariic badan ayaanu hada ka wadno qaarna ay dhamaadeen, sidoo kalena waxa jira degmooyin ay noo qorshaysan in aanu mashaariic ka fulino oo ay Dharkayn-geeye iyo Widhwidh ka mid yihiin. Dadaalkii waxqabadka iyo mashaariicda waxa hoos u dhigay xaalada abaareed ee dalka ku soo korodhay waayo in meelo la dhiso hada waxa ka muhiimsan in dadka la badbaadiyo.”

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now