“Waxaannu u sheegaynaa kuwa marka ay wis-wisaan Xamar u cararaya, Ingiriiska iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanaynno wax aanay ummadayadu doonayn” Md. Muuse Biixi Cabdi

June 25, 2013 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

muuse-biixi2Hargeysa (SLF)- Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shuruud adag ku xidhan wadahadal Jamhuuriyadda Somaliland la gasho dalka Soomaaliya, isagoo xusay in aanay Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska midkoodna uga haybadaysan doonin wax kastoo aanay ummadda Somaliland raalli ka ahayn.

Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad abaalmarinno lagu guddoonsiiyey shalay ciyaartoyga ugu wanaagsanaa tartankii gobollada Somaliland, waxa uu caddeeyey in aan Soomaaliya lala hadli karin ilaa la aqoonsado xusuuqii iyo dhibkii taliskii Siyaad Barre kula kacay shacabka Somaliland.

“Soomaali waxay wadahadlaysaa marka la aqoonsado wixii gaadhay dalkan iyo xasuuqii ku dhacay, inta ka horreysa se waxba la wadahadli maayo. KULMIYE taas ayaa udub-dhexaad u ah.

Dad badan baa imminka wis-wisay oo yidhaa KULMIYE halkee buu innagu wadaa Ra’iisal-wasaarihii Ingiriiskana waa la diiday wixii uu soo jeediyaye iyo KULMIYE wuu inna go’doominayaa. Maya ayaannu leenahay. Waxaannu u sheegaynaa kuwa marka ay wis-wisaan Xamar u cararaya ama meelahaasi carara; Ingiriiska iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanaynno wax aanay ummadayadu doonayn,” ayuu yidhi Md. Biixi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u difaacay siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo tilmaamay in ujeedada ugu weyn ee siyaasadda khaarajigu tahay sidii Somaliland oo madaxbannaan uga mid noqon lahayd beesha caalamka.

“Qodobka innoogu adag waa arrimaha dibadda. Mucaarid badan baa KULMIYE ku canaanta arrimaha dibadda, markaa waxaan doonayaa inaan inyar caddeeyo. Maanta siyaasadda arrimaha dibadda halkee ayaynu maraynaa? Arrimaha dibadda saddexdaas sannadood waxa uu ku socdaa waxa nuxur u ah khudbaddii Madaxweynuhu ka jeediyay Ankara iyo Ra’iisal-wasaaraha Turkiga hortiisa, isagoo fadhiyey markii la doodayay ninka Xamar xukuma ee Xasan-ka Madaxweynaha Soomaaliya. Garnaqsigeennu wuxuu ahaa kamay dhicin caalamka meel inta la xasuuqay oo diyaaraddii halkan [Hargeysa] ka kacday ay xasuuqday oo haddana lagu odhanayo iyagaa lagugu ictiraafayaaye’e dhegayso. Khudbaddii Madaxweynuhu kula garnaqsaday Ra’iisal-wasaaraha Turkiga halkaas oo Xasan-na fadhiyay taas ayey ahayd.”

Waxa kaloo uu tilmaamay in Somaliland doonayso madaxbannaani si ay u noqoto dal xor ah jaarkiisa iyo beesha caalamka kula noolaada nabadgelyo, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Mid walba si cad ayaannu ugu sheegaynaa waxa ay ummaddayadu doonayso; waxay doonaynaan Somaliland oo madaxbannaan oo xor ah oo nabad jaarkiisa iyo adduunka kula noolaada. Laakiin isagu go’aankiisa iyo xorriyaddiisa leh.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inaanay Somaliland werwerayn inta uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxaannu isbarbar-dhigay waddamada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku sifeeyey laba dal oo midkood nabdoon yahay midna meel walba xabbaddu ka dhacayso.

Ugu dambayn, Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay mucaarid iyo muxaafidba in si wadajir ah loo ilaashado danaha qaranka Somaliland iyo nabadgelyada dalka ka jirta.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

 

Siciid4@yahoo.com

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now