“Waxaan idiin cadaynayaa xisbiga KULMIYE ma uu samayn wax ku shubasho ah”Cida ku qanci wayday ee leh wax baa iga khaldan waxa u furan inay maxkamadda tagtaa” Muuse Biixi Cabdi
December 8, 2012 - Written by Editor
HARGEYSA (Somalilandfuture) Guddoomiyaha Xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay inay xisbigiisu ku shubtay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii November 2012.
“Horta mid baan idiin cadaynayaa xisbiga KULMIYE ma uu samayn wax ku shubasho ah, horta cid xisbi ah oo inta ay ii soo martay maxkamad, komishan ama toosba iigu timid oo leh waxaas ayaanu kaaga cabanaynaa ma jirto, tuulo iyo degmo qudha midna kama hayno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Qofkii tartama ee sidii uu doonayo u dhici waydaa, qofkaasi waxa uu daydayaa inay wax ka khaldan yihiin iyo in kale. Gobol walba natiijadii soo baxday iyo sanduuq walba codkiisii waxa noo soo gudbiyay Komishanka. Komishanku sidii uu wax u tirinayayna qeyb baanu ku lahayn oo goob walba waxa noo joogay goob joogay.”
“Cida ku qanci wayday ee leh wax baa iga khaldan waxa u furan inay maxkamadda tagtaa oo ay tilmaantaa goobta ay ka cabanayso oo ay maxkamadu go’aan ka gaadho. Taasina waa awood aanaan anaggu (KULMIYE) ahaan shaqo ku lahayn,”ayuu yidhi Muuse Biixi oo galabta u waramayay HCTV.
Md.Muuse Biixi waxa uu xusay inaanay jirin xisbi ama urur awood u leh inuu faro-geliyo codadka murashaxiinta.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qabsoomidda doorashooyinka ayaa uga mahadnaqay kaalintii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaatay hirgelinta doorashada iyo sidii xukuumadda oo kaashanaysa Shacbigeeda ay u sugtay amniga xiligii doorashadu dhacaysay.
Md. Muuse Biixi waxa kale oo uu ku ammaanay gudiga Doorashooyinka qaranka, ururadaii ka qayb galay doorashada iyo musharixiintii tartamayey isagoo uga mahadnaqay ururada caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah kaalintii ay ka ciyaareen geeddi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Somalilandfuture Hargeysa
Siciid4@yahoo.com
Dabaaldeg Xuska 18may ay ka sameeyeen Jaaliyad Somaliland eek u dhaqan dalka Norway May 19, 2013
Oslo (Somalilandfuture) Magaalada Oslo ee caasimada Norway ayaa ka mid ahayd meelahii sida baladha |
Xuska Sanad Guurada 22 Somaliland iyo Dabaaladagii LONDON oo ay khurbajooga Somaliland Wacadaro ka dhigeen (Sawiro) May 19, 2013
Waxaan xuskaasi jaaliyada Somaliland kala qayb galey wafti uu hogaaminayo madaxweyne kuxig...... Daa |
Daawo sawiro qiiro leh iyo dabaaldegii qaranka Somaliland oo aan loo kala hadhin iyo caasimada dalka ee Hargaysa. May 18, 2013
Hargaysa. (SLF)- Waxaa dhamaan dalka saaka looga dareeray dabaal degii ama xuskii 22 guuradii kaso |
Somaliland oo siweyne looga xusay Sanad Guuradda 22 ee ka soo wareegatay Madaxbanaanid Somaliland iyo khudbadii uu Madaxweynehu ka jeediyey maanta May 18, 2013
Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18 |
Jaamacadda ADMAS oo xaflad Balaadhan Ugu dabaal degtay Sanad-guuradda 22-aad ee Somaliland May 17, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture) – Jaamacad ADMAS, ayaa caawa si balaadhan u xustay sanad guurad 22-aad |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




