Wasiirka Duulista oo talooyin ka jeediyey madal boqolaal dhalinyaro ku xusayeen sannadguuradii 1aad ee Geediga Guusha.

August 6, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

“Qof walba waxaan kula talin lahaa inuu ogaado sababaha guuldarada keena si uu uga baydho, markaa..”Mr. Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa-(SLF)- Wasiirka Wasaarada Duulista & Hawada, Mr. Farxaan Aadam Haybe ayaa shaaca ka qaaday in guusha qof walba ku xidhan tahay  siduu u aamino gaadhitaankeeda, iyo inuu lahaado hiigi meel gaadhitaankeeda hadafkiisu yahay.

Wasiir Farxaan oo hadal ka jeediyey madal boqolaal dhalinyaro goobjoog ahaayeen, qeybaha bulshada, marti-sharaf kale oo lagu xusay sannadguurada 1aad ee ka soo wareegtay aasaaska Geediga Guusha, ayaa ku bilaabay,

“Waxaan u mahadcelinayaa xubnaha Geediga Guusha, ciddii fikirkaa lahayd, inta ku taageertay intii kala shaqeysay. In la guulaysto waxay ka bilaabmataa inaad aamintid, balse hadaanad hiigsi iyo halka hadafkaagu yahay lahayn, guulaysan maysid.

Wasiirka Duulista & Hawada Mr Farxaan Haybe ayaa sheegay in furaha guusha qof walba ku xidhan yahay qadarka Ilaahay, waxaanu yidhi,

“Furaha guusha qof walba waxay  ku xidhan tahay qadarka Ilaahay, waana arrinta udub-dhexaadka u ah qofku inuu ku samro, adkaysiga uu ku gaadhi karo himilada inuu guulaysto.

Mr. Farxaan ayaa sheegay in haduu qofku aqoon u leeyahay sababaha guuldara keena, taasi u sahlayso inuu ka baydho, si uu u guulaysto, waxaanu yidhi,

“Qof walba waxaan kula talin lahaa inuu ogaado sababaha guuldarada keena si uu uga baydho, markaa guushu iyadaa kuu iman.

Geediga Guusha, oo ah madal dhalinyaro, oo lagu wadaago fikradaha dhalinyarada guulaystay ayey aasaaskeeda lahayd Dr. Zaynab Dr. Cabdillahi Walaaleye, oo ah dhakhtarad ku takhasustay Ilkaha ayaa ku dhamaatay jawi sare, inkastoo, Wasiirka Dhalinyarada Soomaalilaand, oo mudnayd inuu hormood ka ahaa taageeradeeda iyo taakulaynteeda, aanu ka muuqan.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now