Wasiirka Duulista oo Muwaadiniinta Reer Somaliland ku Booriyey in ay Qaataan Kaadhka Ay Doorashada Ku Galayaan.

July 10, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargaysa (  SLF  ) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Dadka Gobolada Maroodi Jeex iyo Togdheer ee ay ka bilaabmatay qaadashada kaadhka lagu galaayo doorashada, ku booriyey in ay qaataan kaadhkaas, si ay u helaan buu yidhi xuquuqda uu Distuurku u jideeyay ee ah in ay Doorashada codeeyaan oo ay doortaan cidii ay u arkaan in ay hogaamin karto.

 

Wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:-“waxaan fursadan uga faa,iidaysanayaa diiwaan gelinta ama kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee ka bilaabantay Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer waxaan leeyahay Dadku ha qaataan kaadhkooda waa xuquuq aasaasiya oo dastuurku siiyay, waa inay xaqaa dastuurku siiyay ee ah inay codeeyaan ay ku baadi doonaan doorashada cida ay doonayaan inay doortaan oo ay ka faa,iidaystaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in kaadhka lagu galaayo sadex doorasho, waxaanu yidhi:- Ta labaad kaadhkaa imika la qaadanayo waxa lagu gelayaa labo doorasho oo kale doorashada Golaha Deegaanka iyo ta golaha Barlamaanka markaa sababtaa awgeed dadku haw qaataan kaadhkooda.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay habka loo qaadanayaa in uu yahay hab fudud:-“ Habka loo qaadanayaa waa qaab fudud hadii qofka ay ka luntay warqadii uu isku diiwaan geliyay waxa uu tegayaa halkii uu iska diiwaangeliyay halkaas ayuu kaadhkiisu yaalaa waa loo baadhayaa waxa uu sheegayaa magaciisa oo afran oo ah kii uu maalintaa isku diiwaan geliyay.

 

Wasiirku wuxuu cadeeyay in uu isaguna qaatay kaadhkii, si uu u guto waajbaadka Distuuriga ah:-“Aniguna waan isdiiwaan geliyay waan soo qaatay kaadhkaygii codbixinta inaan codeeyo si aan u daboolo xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku isiiyay dhamaantiin waxaan idin rajaynayaa inay guul ku dhamaato.

 

Ugu danbaytii Wasiirku waxa uu Alle ka baryey in uu nabad qab inagu gaadhsiiyo, dadweynaha waxa uu ka codsaday in ay gacan siiyaan Hawlwadeenada Koomiishanka Doorashooyinka  Ilaahay doorashada haynagu gaadhsiiyo nabadqab oo haynooga dhigo mid nabadqab inoogu dhamaata, Dadkana waxaan leeyahay nabadgelyada ilaaliya ha kala qayb qaataan hawlwadeenada komishanka goobkasta iyo meelkasta oo ay joogaan oo haw fududeeyaan adeega ay uga baahan yihiin iyo daryeelka ay uga baahan yihiin iyaguna si habsami ah oo hufan haw qaataan kaadhkooda guul iyo gobanimo ayaan leeyahay.”

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now