Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo ay isku yimaadeen dalalka Bariga Afrika

August 3, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Addis Ababa- (SLF)-  : Waxaa maanta ka  furmay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunt Matxafka Qaran ee dalka Ethiopia(National Museum of Ethiopia-HQ )  shirkii 6aad ee uu Qabto  Ururka Bariga afrika ee xaga cilmi baadhista adaamaha ee loo yaqaano(EAAPP).Shirkani waxa oo socon doonaa mudo saddex maalmood, waxaa ka  soo qayb galay madax iyo aqoonyahano iyo  Cilmi baadhayaal  ka socday  dalalka bariga afrika oo ay somaliland ku jirto ,Europe iyo Maraykanka.

shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo: H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay Wasiiradu  hoosta ka xariiqday ahmiyada Cilmi baadhistu ugu fadhida dalalk bariga afrika gaar ahaan xaga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi lahaa waxyaabaha qadiimka  ee ay leeyihiin Dalalka  Bariga Afrika ,  waxayna  uga mahadnaqday ururka  soo agaasime shirkan oo ah Ururka Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano  (EAAPP).

waxa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Bariga Africa ee xaga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged  oo sheegay in ujeedada shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashan lahaayeen cilmi baadhista aadamaha  iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Gudoomiyihu Ururkaasi wuxuu  madasha ku soo dhaweeyay  dhamaan ka soo qeyb-galayaashii shirka, wuxuna Carabka ku dhufta in Somaliland markii ugu horeysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka qabsooma afrika, wuxuuna uga mahadnaq Somaliland ka soo qeyb galka shirkaasi,  waxaana madashaasi  sacab  iyo wajiyo farxad badani  ka muuqato  lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee  ka socday Somaliland oo kala Ahaa:
Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”  oo ah Agaasimaha W.Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha dibeda&iska. Caalamiga ah  iyo Marwo Asma Cismaan Cabdi –oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda.  Soo dhaweyn ka dib, Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Gudoomiyaha ururka bariga afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista.

Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka Mareykanka , Talayaaniga , Spanish-ka , Swiss-ka  ,Tanzania ,Kenya .Ethiopia, South afrika  ay   halkaasi  ku soo  bandhigeen  cilmi baadhis kala duwan oo ku saabsaneyd  Asal-ka  dadka afrikaanka  ah iyo asaarta  qadiimka ah ee  degaano ka mid ah dalalka bariga  afrika.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibedda&Isk. Caalamiga ah,             ee Jamhuuriyadda Somaliland

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now