Warsaxaafadeed xisbiga Kulmiye

July 16, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan Hawd gobolka oo ay u kuurgalayaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada kaadhka codbixinta oo hadda gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Haddaba, intii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi maanta waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa.
Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle) iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Burco.
Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado taageero ah loogu sameeyey.
Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda .
ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now