Warsaxaafadeed-Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hanaanka anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

July 1, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargaysa (SLF)-  Waxaan halkan kaga jawaabaynaa warar been abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta  qaarkeed, kaas oo ku saabsanaa in laba shaqaale ah oo ka tirsan shaqaalaha madaarka hargeisa shaqada laga joojiyay  ka dib marki ay salaameen gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani.

 

Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.

 

Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hab anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

 

Maadama lagu jiro wakhtigii xagaaga isla markaana madaarka caasimadu uu mashquul ku yahay adeeg u fidinta rakaabka soo dagaya ama dhoofaya, dhamaan shaqaalaha madaarka waxa laga rabaa inay u gutaan waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay, iyada oo shaqaalaha ay ka mamnuuc tahay inay ka baxaan goobta shaqada wakhtiga ay shaqada ku jiraan ama ay tagaan goob kale oo ayna shaqo ku lahayn, iyada oo mar walba lagu adkaynayo lagana rabo  inay ku sugnaadaan goobta shaqada.

 

Soo dhawaynta wufuuda dalka iyo kuwa caalamka, waxa madaarka u qaabilsan shaqaale gaar ah oo lagu carbiyay hawshaas inay qabtaan, sidaas darteed shaqaale waynaha kale ee madaarka looma ogola inay ku mashquulaan soo dhawayn maadaama laga rabo inay ku sugnaadaan goobtooda shaqada wakhitaga ay shaqada ku jiraan.

 

Madaarka caasimadu waa madaar caalami ah oo ay ka hawl galaan diyaarado caalami ah , iyo iyo Maxali ah ba sidaas darteed wuxu adeeg isku mid ah u fidiyaa dhamaan dadwaynaha JSL mucaarid iyo muxaafidba, iyada oo cid walba la siiyo maamuuska ay mudan tahay iyadoo maanka lagu hayo duruufaha amni ee mandaqada ka jira.

 

Ismail Ali Ahmed

Afhayeenka W Duulista H iyo G Cirka
Mob: +252 63 4424571
Email: prm@mocaat.c

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now