WAR-SAXAAFADEED: – 10/05/2017

May 11, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

aariikh: – 10/05/2017

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

 

 

 

Ujeeddo: Magacaabid Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay

 

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh.

 

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba;

 

 

Markaan Arkay:             In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba;

 

Markii Aan Tixgeliyey:  Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan;

 

Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1.      in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.

 

2.      Waxaan idiin magacaabay Guddida Gargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:

 

B) Qaadhaan Uruurin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.

T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.

J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la’aanta,                             diihaalka iyo diifta abaartu reebtay.

 

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

 

Guddida La magacaabay:

 

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada                                                             Guddoomiye

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                                             Ku-xigeen

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                                                         Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada                                                                     Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                                                 Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                                 Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                            Xubin

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                                                                  Xubin

Ku:       Mudane, Maxamed Shugri Jaamac  (Rugta Ganacsiga)                                             Xubin

Ku:       Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga)                                                            Xubin

Ku:       Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA)                                                             Xubin

Ku:       Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf)                                                                 Xubin

Ku:       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf)                                                        Xubin

Ku:       Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo)                                                                Xubin

Ku:       Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo)                                                               Xubin

Ku:       Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo)                                                      Xubin

Ku:       Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad)                                                     Xubin

Ku:       Mustafe Axmed Xassan (Nagaad)                                                                               Xubin

Ku:       Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha)              Xubin

Ku:       Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha)                                          Xubin

Ku:       Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID)                                             Xubin

Ku:       Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID)                                           Xubin

Ku:       Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI)                                              Xubin

Ku:       Dr. Axmed Aadan Buuxane     (Xisbiga WADDANI)                                                     Xubin

Ku:       Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI)                                                      Xubin

 

 

ALLAA MAHAD

 

    Xuseen Adan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now