Wankii La lumay Baraarka

August 5, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda,  caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba.
Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka  ama qoodha xoolaha kale.

Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan,  marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka),  waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday.

Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay ugu beegi jireen inay nayluhu dhashaan xiliga curashada gu’ga ka dib, 25-caano maal dhulkii oo rooban oo baad iyo biyo’ba leh, maadaama Laxuhu ilmaha ku qaadaan caloosha 147- habeen illaa iyo 150-habeen, halkaas ayey xoolo-dhaqatadu kaga go’aan qaadan jireen geedi-socodka noloshooda la xidhiidha hayaanka iyo isbedelka cimilada (roobka, abaaraha iyo dabaylaha).

Waxa dhacda inta badan marka sumalka lagu daro baraarka ee ay kambal daaqayaan inuu  uriyo ido meel fog daaqaya oo uu sanka la raaco jihadii ay ka xigeen, isla-markaana, sida uu isku leeyahay gaadh buu la fogaadaa baraarkii yar yaraa,  marka danbena, uu ku soo guryo noqon kari waayaa oo uu sumalkii u lumiyaa  baraarkii,  laakiise, xoolo-dhaqatadu iyagoo dhowraya qiimaha iyo sharafka magaca sumalka oo u xil-qarinaaya Wankii lumiyey Baraarka,  ayey u yidhaahdaan, “Wankii la lumay Baraarka”
Haddaba, marka aynu eegno nidaamkan dimuquraaadiyada ee ku dhisan xisbiyada maanta ka jira Somaliland, waxa aynu ognahay inay ku kala duwan yihiin dhinaca afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, waxase jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda dhaqanno cusub ku soo kordhiyey nidaamkii siyaasadda, kuwaas oo markii loo diiday inay ka mid noqdaan xubin ka mid ah xisbul-xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE, shaqsiyaad daba-dhilif u ahaa taliskii Siyaad Barre oo aan ka maydhanin nijaastii Faqashta ay maanta dhagahayagu maqlayaan iyagoo hawada marinaaya dhawaaqyo codod xanaf leh oo been abuur ah iyo fikrado madhan oo aan ku dhisnayn cilmi iyo caqliyadtoona oo ay ku bar-tilmaameedsanayaan madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi,  Mudane, Muuse Biixi oo aanay gaadhi karayn taariikhdiisa iyo hamigiisa uu ku doonayo inuu ugu tartamo doorasho xor ah oo xalaal ah, kursiga ugu sareeya ee talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Xisbiyada mucaaridka ah ee soo dhaweeyey kuwa sharka badan, sharka ay beerayaaan ayey midhahooda goosan doona xisbiyadii ay gaashaanka iyo gaboodka ka dhigteen, waxaanu noqon doonaa hogaamiyaha xisbigaasi ee raalida noqday “Wankii Lumiyey Baraarka”, ee noqon maayo “Wankii la Lumay Baraarka”

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now