WAKHTIGA DOORASHADA SHACBIGU WUU QEYBSAMAA: QALINKII CALI XARUURI

December 7, 2012 - Written by admin1

Waa caadi in XUMMADDA doorashadu ay saameyn weyn ku yeelato dadweynaha
dhexdiisa oo siyaasiyiintu kala qeybiyaan shacbiga. Waxay cadiifaddaa siyaasadeed
ay muddo shaqeysaba oo ay heer gaadhaba ugu dambeyn marka la gaadho xilliga
NATIIJADA doorashada waxa sida SOODHAHA/XUMBADA iska soo gudha casabiyaddii
doorashada.

Waxaa arrintaa ka qeyb qaata oo dadweynihii isku soo jiidada dibna u mideeya
SIYAASIGA fiican ee waddaniga ah oo QANCIYA taageerayaashiisa, sababtoo ah
si kasta oo wax u dhacaanba waxa wax kasta ka muhiimsan QARANIMADA iyo
MIDNIMADA ummadda.

Waxaa mar walba muhiim ah in la xusuusnaado in TARTANKA macnihiisuba yahay in
la kala HADHO/BADIYO oo qaarna soo baxaan qaarna hadhaan. Haddii Tartamayaashu
arrinkaas Maankooda/Maskaxdooda geliyaan waxba ma xumaadaan.

maahmaah english ah baa tidhaa:
The best horse doesn’t always win the race

Waa arrin la dareemi karo oo XAASAASI ah marka dhibco isku dhow dhow lagu
kala badiyo, hase yeeshee waxa habboon in mar walba DAMACA la xakameeyo
oo haddii natiijo soo baxdo lagu wado qanco.

Murti somaliyeedba tidhaa NIN baa lagu yidhi “HEBELOW inankaagii gartii waa laga helay”,
NINKII baa ku werceliyey ” oo inankeygii gartii ma qaatay?” NINKII baa loogu jawaabay
“Haa inankaagii gartii wuu qaatay.” NINKII markaasu yidhi “Wallee wuu igu bannaan
yahay”.

Wa billaahi tawfiiq

Cali M. Adam (CALI XARUURI)

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
zaad-service-banner Telesom oo Liblaabtay Boobka iyo Bililiqadda ay ku Hayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland iyo Dhaqamad Cusub ee aan ladhayal san karin    June 19, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture) shirkad telesom oo ka mid ah shirkadah isgaadhsiineed ee dalka ayaa, mudo
Daahir Calasaw ILA-EEG iyo KULA-EEGAY ee khamiis laha ahaa oo aan khamiistii idiin soo gudbin barnaamijkii oo maanta eegaya Daahir Culusaw iyo weerarka uu ku hayo Dahab-shiil.    June 18, 2013
     ILA-EEG:  Waxa la yidhi beleda aan kaa qoslini belo maaha, miyaa aragteen yarkii mooryaank
xulka-Maroodi-jeex Maroodi-jeex Oo U Gudbay Ciyaarta kama Damaysta, Markii ay 2-1 Kaga Tallaabsadeen Xulkii Gabiley    June 18, 2013
Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) ayaa galabta u gudbay ciyaarta kama damaysta e
Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia    June 18, 2013
HARGEYSA (Halgannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogola
wasiirka-duulista Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia    June 18, 2013
HARGEYSA (SLF)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho k
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2013
M T W T F S S
« May    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now