Waa tuma Haweenayda la yidhaahdo ANJANETTE DECARLO Waa Maxayse sababta iyada iyo xuluufadeedu Dabar go aan jirin aay ugu saadinayaan Beeyada Gobolka Sanaag .W/Q CABDIRAXMAAN MAXAMED XIDIG

July 30, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Haweenayda la yidhaahdo ANJANETTE DECARLO waa haweenay sanadihii u danbeeyey ku noolaayd magaalada Huntington  ee  Gobolka Vermont oo ku yaal waqooyi  bari  dalka Maraykanka (United States of America ).Anjanette Decarlo waa haweenay ku xeel dheer ,kuna   xamaalata waxna  ku sirta  waxa afka Qalaad lagu  yidhaahdo (GRANT WRITING ) Oo micnaheedu yahay sida loo qoro  Codsiyadda  lagu dalbado lacagaha la doonayo in wax lagaga qabto abaar aan jirin oo qof ama kooxi male awaashey   ,aafooyin dabiici ah oo jira ama aan  jirin ,macaluulo la male awaalay oo aay mala awaasho iyada iyo (Team) keedu ,dhir iyo beeyo sii dabar go’aysa oo la male awaaley wax xaqiiqda ku salaaysana aan ahaayn balse la doonayo in  tujaarta waaweeyn iyo kuwa yaryar    ee aduunka sida   Warren Buffet ,Bill gates ,amancia Ortega ,jeff bezos iyo kuwa kale oo  badan inta codsi loo qorto la yidhaahdo beeyaa dabar go’ay oo aan daryeelaynaa oo aan  xaqiiq ahaayn ,caruuraa duufano ku keceen ,kaneeca dad laaysay ,Ebolii baa somaliland lagu arkay ,waxbarasho la’aan baa halkaa ka jirta ,beeyaaysataa nafaqo daro la liidata,beeyaysatadu cunto mahaaystaan ,dhirtii beeyadu waa sii dabar go’ay iyo wax kastoo aan jirin runtana ka fog si  ( Foundationska ) tujaarta aduunka ,daawladaa danaaynaya waxa aay marka beenta ka sheegayaan ,bulshada rayidka ah ee aduunka ,kooxaa u dhaqdhaqaaqa degaanka ,shirkadaha caalamiga ah ee ka ganacsada (FRAKINCENSE AND GUMS) aay uga helaan lacago Malaayiin Doolar ah oo aanaynu xadigeeda qiyaasi Karin  islamarkaana  mashaaricdaa ama  codsiyadaa loo samaaysto (Wakaalado )  aan ku dhisnaayn  si aan dastuurka qaranka waafaqsanaayn  islamarkaana xadgudub iyo meel ku dhac ku ah awooda iyo garashada fulinta ee dalka ,baarlamanka ,maxkamadaha dastuuriga ah ee wadanka .qaranimada ,wax wada lahaanshaha  iyo saami qaaybsiga guud ee heer qaran ,mid gobol ,mid degmo iyo mid tuulo taas oo meel ka dhac ,sir iyo aafo ku ah madaxbanaanida ,cadaalada ,maamulka khaayradka wadanka iyo garadka  golaha wasiirada ee wadanka ,hanti dhaawrka ,policeka iyo (Secret Service Agency)ga jamhuuriyada somaliland .

Haweenayda la yidhaahdo Anjanetta Decarlo waxay iyada  kooxdeedu  aduunka ka dhaadhiciyeen in tiro kooban oo hal iyo laba qof ahi aay leeyihiin beeyada guud ahaan ka baxda somaliland gaar ahaana ta gobolka sanaag .

 

Anjanetta Decarlo iyo kooxdeedu waxay adeegsadaan saxaafada caalamiga ah iyo ta local ka ah si aay barnaamij khaldan oo aan jirin oo aay wax ku khaldayaan aay uga dhaadhiciyaan dadka caalamka ku nool ,dadka wax bartay ee reer somaliland, beeyaysatada masaakiinta ah ee iyaga iyo beeyadoodiba mulkiyadaa loo samaaystay si habeeno Malaayin doolar oo iib ,codsiyo la qortay qiime jaban iyo dilaal looga fa’iido .

Anjanetta decarlo Khiyaanda ama (Conspiracy) ga aay sameeyaan iyada iyo kooxdeedu waxa ka mida waxay xubno ka noqdeen  ,la saaxiibeen ama ku dhawaadeen ururadii maxaliga ahaa ee wadanka ,reerii oo aay kala qaayb qaaybiyeen ,laaluush loo adeegsanayo saxaafada ,cuqaasha ,dhalinyarda iyo xubno mansabo sare haya .Tusaale ahaan ,Anjanetta decarlo waxay ku jirta (boardka ) ururka ama somaliland gudaheeda laga leeyahay ee la yidhahdo (SOMALILAND BIODIVERSITY FOUNDATION ) oo uu  gudoomiye ka yahay axmed Ibrahim cawale  ururkan oo ah urur maxali ah oo si salmi ah u shaqeeya oo aay xubno ka yihiin wasiir shukri boondare iyo cabdsilaan yaasiin . Anjanetta decarlo ayaa ururkan ku gabata si aay dano badani ugu fulaan iyada qof wanaagsan iska dhigaysa oo arimaa daryeelka degaanka kala shaqaaynay ururka  islamarkaana ku dhawaanay xubnaha ururka oo aan haawleheeda iyo waxa aay iyada iyo kooxdeedu maleegayaan la socon .Anjanetta decarlo iyo kooxdeedu waxay maleegayaan mu’amaraado badan oo ilaa (world bank)a ,(African development bank)a  iyo haayadaa gargaarka ee maraykanka iyo yurub la doonayo in Malaayin doolar oo hore badh loo qaatay lagaga cuno haawlaa beenta ah ee dabar go’a beeyada ,dib u noolaaynta dhirta beeyada iyo daryeelka iyo wax tarka dadka beeyada ,daryeelka bulshada meelaa beeyadu ka baxdo ,cilmi baadhisyo aan jirin oo la leeyahay wax yaaba beeyadu ka koobantahay ,waxa curyaamiya ,say u baxdo ,si aanay u bixin ,ta qaan gaadhay iyo taa an qaan gaadhin oo seeto dheeraysi iyo lacag lunsasho ah baanu ku ogaanaynaa .

 

Anjanetta decarlo waxa la shaqeeya oo aay wada xoogsadaan kooxo cadaan iyo soomaliba leh iyagoo saxaafada caalamka ku qora una dira qaaylo dhaan ah beeyadii baa dabar go’aysa si aay u helaan malaayiin doolar oo degdega oo beeyada lagu daryeelayo islamarkaana bulshada caalamka ,bulshada reer somaliland ,cuqaal ,aqoonyahan ,dhalinyaro iyo beeyaysatoba looga dhaadhciyo waxaan jirin oo mashruuc la doonayo inuu sanado socdo ah oo malaayiin doolar lagu cuno ,beeyada badh la dilaalo ,badh la xidho,badh shirkado loo soo kaxaaysto suuqa xorta ahna loo xidho oo aay noqoto wax dad gaari badhna yidhaahdna waa dabar go’ay oo lacago aduunka kaga cunaan badhna iib geeyaan oo xidhaan iyagoo isticmaalaya awoodaha wakaalada la mala awaaley oo loogu talo galay in (World bank)ka ,(African development bank)ka iyo foundation nada aduunka lagu boobo kooxina khaayradka beeyada xidhato .Waxa Anjanetta decarlo iyo kooxdeedu u isticmaalayan wakaalada inaay ku cabudhiyaan dadka is leh suuqyada iibka beeyada gala  ,licensekana u diidan beeyaysatada kale ee reer somaliland meeshu doono ha ka yimaadee waayo ninka reer sanaag isaguba adhiga markuu hargaaysa ka iibsanayo ama beeyada bosaso ka soo iibsanayo cidi ma tidhaahdo kama iibinayo oo waa reer sanaag .Ganacsiga somaliland oo xor ah ,khaayraadka wadanka bad iyo berri oo lawada leeyahay baa la doonayaa (Investor ) maal gashade beeyo ha la haado ama yaanu lahaan beeyo e ,ha ka yimaado bali gubadle ama Borama e In la yidhaahdo beeyada iyo khaayraadka xabkaa wakaaladu dad bay (Monopoly) ugu xidhay dadna kama iibsan karan beeyo sanaag .Wakaalada waxa loo samaaystay In lacagaa debeda ka imanaya lagu lunsado ,beeyada dad gaara iyo shirkadoo caalami ah oo beeyada ,mooliga ,cinjirka ,malmalka ,qudhac ka qanacsada in loogu xidho dad ka  kalena shuruuc iyo xeerar la samaaystay lagu car qaladeeyo ,dhibaateyo suuqa iibka beeyada inaay galaan gal u yeeshaana loogu diido.

 

Anjanetta decarlo iyo kooxdeedu waa koox khatar taagan ku ah amniga iyo qaranimada jamhuuriyada somaliland .Waxa la yaab leh waxay isticmaalan saxaafada maxaliga ah ,ta yurub iyo America tusale ahaan wariye ku sheeg iyaga la shaqeeya oo la yidhaahdo (JASON PATINKIN)ayaa  bishii Dec.24,2016 kii aay u dhiibeen qoraal ama maqaal uu dhiilo xun kaga sheegayo beeyada jamhuuriyada somaliland si mashruucyadoodu u soo degdegaan maqaalkaas oo ahaa ‘’WORLD’S LAST WILD FRANKINCENSE FORESTS  ARE UNDER THREATH oo macnaheedu yahay Geedkii BEEYADA ee Iskii U bixi jirey oo Khatari Ku soo Fool Leedahay .Su’ashu hadaba waxay tahay Xagaayga iska Galaan Wakaalad Anjanetta decarlo Iyo Team keedu si  aan dastuurka wafaaqsanaayn ha ku samaaystan hana ina yidhaahdaan Beeyaa Dabar Go’ay .

 

DADKA REER SANAAG IYO REER SAAXIL KIILOGA BEEYADA AH WAXA LAGA SIISTAA AMA LAGA SOO IIBSADA $4-$7 SUUQYADA INGIIRISKA IYO YURUB AMA CHINE NA WAXA LAGA SII SIIYA $700

W/Q CABDI RAXMAAN MAXAMED XIDIG

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now