Urur-siyaasadeedka SSCD oo si weyn Burco Loogu soo Dhaweeyey

March 14, 2012 - Written by Editor

Burco (somalilandfuture) Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka SSCD iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey maanta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Gaadiid iyo dadweyne badan oo sitay astaanta iyo calanka urur-siyaasadeedka SSCD, ayaa weftiga kaga hortagay duleedka Burco, kadibna waxa lagu soo wareejiyey jidadka waaweyn ee magaaladaas.
Guddoomiyaha ururka SSCD Mr. Kayse Cabdi Yuusuf oo la hadlay taageerayaashiisa reer Burco, ayaa ugu mahadnaqay sida wanaagsan ee ay isaga iyo weftigiisaba u soo dhoweeyeen.
“Waxaannu u soconnaa sidii aannu furi lahayn xaruntii ururka ee Gobolka Togdheer, waanuna joogi doonaa Burco annagoo kulamo kala duwan la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, sidaa darteed berri [maanta] ayaannu fagaaraha Khayriyada kala hadli doonaa shacabka reer Burco ee taageerada weyn noo muujiyey,” ayuu yidhi Mr. Keyse Cabdi Yuusuf.
Intaa kadib, Guddoomiyuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarun cusub oo urur-siyaasadeedka SSCD ku yeelan doono magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.
Wefiga urur-siyaasdaeedka Somaliland Sinnaan, Caddaalad iyo Dimuqraadiyadda (SSCD) oo si aad u ballaadhan loogu soo dhoweeyey shalay magaalada Burco oo la filayo inay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan, sidoo kalena kulamo la yeelan doonaan qaybaha bulshada reer Togdheer.

wariye siciid xuseen yuusuf
somalilandfuture2o3o@hotmail.com

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
18m iyo istan buulk 666 Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul    May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa
news3 Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka    May 24, 2013
  Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado
Ila-eeg iyo Kula-eegay Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM.    May 23, 2013
   ILA-EEG:    Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday
mm siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka    May 23, 2013
  Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey
Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji.Ibraahim.    May 23, 2013
SHEEKH CALI XAAJI IBRAAHIM XIRSI 1905  ------1984   16/may/2013                
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2013
M T W T F S S
« Apr    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    6 visitors online now