TV-ga Cusub ee Wadaag & Barnaamijkiisii ugu horeeyay (Sporadically online TV)

May 2, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)-  WadaagTV: Waa warbaahin cusub oo bulshada u adeegaysa, (Community media), iyada oo awoodda saari doonta kaabayaasha iyo horumarinta nolosha ee bulshada. Waa nooc ka mid ah warbaahinta, laakiin siyaasad ahaan iyo qorshe ahaan ka duwan kuwa dawliga ah (public media) iyo kuwa ganacsiga ah (private media).

WadaagTV waxa loogu magac dhabay in uu noqdo madal la isku “waydaarsado” lagana faafiyo aqoonta, waayo-aragnimada iyo aragtiyaha tolmoon ee bulshada dhexdeeda, si arrintaasi ay u dhiirigeliso, qaybna uga qaadato horumar bulsho oo dhinac walba ah.

WadaagTV waxa uu fursad u siinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada rag iyo dumar, da’kasta oo ay yihiin iyo deegaan kasta oo ay ku dhaqan yihiin in ay fikradahooga iyo aqoontooda kala duwan ee taabanaysa nolosheena bulsho, mid miyi iyo mid magaalaba ku soo bandhigi karaan wadaagTV.

TV-gani waxa uu cod siin doonaa dadka aan farriintooda la arag, la maqal, lana daawan. Waxa uu si qoto-dheer oo xikmadaysan u soo bandhigi doonaa arrimo kala duwan oo saamayn ku leh nolosheena sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Dhaqaalaha, Dhaqanka/Suugaanta iyo kuwo kale, iyada oo markastaba mowduucyadaasi lagu saleynayo diinteena iyo waaqaca deegaankeena.

Barnaamijyada ka bixi doona WadaagTV waxa ay noqon doonaan qaar dadka Af-soomaaliga ku hadla insha allaahu u horseedi doona isbeddel togan. Barnaamijyada TV-gu soo saari doono waxa ka mid ah:

1.    Barnaamijka Ganacsiga & Dhaqaalaha oo ku bixi doonaa magaca “CASARIYE

2.    Barnaamijka Waxbarashada & Aqoonta oo ku bixi doonaa magaca “ALIF-WAX-MAALE”

3.    Barnaamijka Caafimaadka oo ku bixi doonaa magaca “FAYO-QABE”

4.    Barnaamijka Dhaqanka & Afka oo ku bixi doonaa magaca “HIDDO-SIDE”

5.    Barnaamijka Barbaarinta Ubadka oo ku bixi doonaa magaca “ABABIYE”

6.    Barnaamijka gorfaynta dhacdooyinka oo ku bixi doonaa magaca “GORFEEYE”

7.    Barnaamijka Xuquuqda qofka oo ku bixi doonaa magaca “HIILIYE

8.    Barnaamijka Tiknoolajiyada oo ku bixi doona ‘KABAAL

9.    Barnaamijka Wax-soo-saarka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ku bixi doona “HANTIILE

Address

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Hoggaamiyaha Bulshaawiga Ah VS Igu Sawir: W/Q Mawliid Cali-dhure    August 23, 2017
Hoggaaminta bulshaawinimada leh waa tan hoggaamiyuhu si dabacsan ku raadiyo xidhiidh wanaagsan oo fa
Meher Meher Wacan    August 21, 2017
Meher Wacan   Maxamed Ciise Jaamac (Shabeel), Maxamed Axmed Faarax (Ilkacase), Axmed Maxame
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now