Taliye Fadal oo Ganafka Ku Dhuftay Fulinta Amar Ka Soo Baxay Maxkamadda oo Sheegayey in La Soo Booqan Karo Siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI ee Ku Xidhan Hargeysa.

April 20, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF):-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ganafta ku dhuftay in uu aqbalo warqad amar ah oo ka soo baxday Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, taasi oo sheegaysay in waalidiinta, saraakiisha xisbiga WADDANI iyo weli ba gayqaan Guuleed Dafac ba loo oggolaado in ay soo booqan karaan siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI ee ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa.

 

Amarkan oo Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ka soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 20/04/2017ka, ka dib markii siyaasiyiintaas loo oggolaan waayey in la soo booqon karo oo ay la kulmi karaan waalidiintoodii iyo weli ba sida oo kale saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga WADDANI, ayaa hada na uu taliye Fadal ku adkeystay in aanay oggoleyn in la soo booqdo isla mar ahaantaana aanay marnaba aqbali doonin amar kasta oo ka soo baxa Maxkamaddaha dalka.

Tallaabadan, ayaa noqoneysa mid dhaawac ku ah xaqa muwaadinka reer Somaliland, waxaana ay sida oo kale burburin ku tahay shuruucda iyo nidaamka kala dambeyneed ee dalka iyada oo dhinaca kale na keensanaysa dhibbaato cadaawaddeed oo uu abuuraayo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland.

 

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now