Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dambiga Lagu Xidhay Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur

April 29, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (SLF)- Afhayeenka ciidanka booliska  Jamhuuriyadda Somaliland, Ganshaale sare  Faysal Xiis  ayaa ka hadlay xadhiga Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani kaasi oo ay  shalay ciidanka boolisku xidheen  .

Faysal Xiis oo xalay u Warameeyey Wariye Mahad Geelle Oo Ka Tirsan Bahda HadhwanaagNews Ayaa Xaqiijiyey  xadhiga Siyaasi Cabdilaahi Daamur waxaanu sheegay in ninkaasi uu Xaalad abuur kula kacay dhegaysiga dacwadda loo haysto guddoomiyaha garabka dhallinyarada iyo xoghayaha Ciyaaraha  ee Xisbiga Waddani oo maxkamadda ka socotay , isla markaana uu dil ugu hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa

“Eedaysanaha xidhan oo loo yaqaan Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur waxa uu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee booliska hargeysa Ganshaale Maxamed Ismaciil (Maxamed Case) waxaanu ku yidhi “ xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa isaga oo sarkaalkaasi ku guda jira xilkii qaranku u igmaday  taasi oo ah mid ka baxsan nidaamka sharciga , markii laga dareeray maxkamadda ayey ciidanku ninkaas kusaa qabteen debadda “ ayuu yidhi

Afhayeenka Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabmatay arrinta muranka iyo rasaasta dhalisay ee shalay  ka dhacday  maxkamadda horteeda waxaana uu yidhi

“markii dadweynaha loo fasaxay in ay fadhiistan hoolka Maxkamadda si ay u dhegaystaan dacwadda labad Eedayse ee kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis waxaa buuq iyo sawaxan halkaa ka bilaabay nimankii ka socday xisbiga Waddani oo ay ka mid ahayeen kuwii shalay saxaafadda la hadlaayey iyaga oo u adkaysan waayey eedii uu kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku”

Faysa Xiis ayaa sheegay in ciidanka lagu soo qaaday weerar loo adeegsaday dhagaxaan iyo ullo islamarkaana uu dhawaac ka soo gaadhay qaar ka tirsan ciidanka

“niman abaabulan oo  ka tirsan xisbiga Waddani oo hoolka maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii kusoo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan ullo iyo iwm , waxaanay dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”

 

Ugu danbayntii Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Ganshaale Sare Faysal Xiis ayaa fariin u diray guud ahaan Madaxda iyo xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxaana uu yidhi

 

“ waxaan leenahay war ha noqonina hasha geela cunta ee cabaada , war iska daaya ciidanka booliska oo noqda sida axsaabta kale

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now