Taliska Ciidanka Qaranka JSL oo faahfaahin ka bixiyey Askari ku dhintay xerada BIRJEEX.

May 14, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF) -Taliska  Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay geerida askari ka tirsanaa oo galabta meydkiisa lagu arkay xabsi ku yaala xerada Ciidanka Qaranka ee Birjeex.

AHN marxuumkan oo magaciisa aan la shaacin sababo ciidan awgeed ayaa qoraal ka soo saaray Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland caawa, oo shabakada SomalilandSpan soo gaadhay lagu sheegay in la baadhayo sababaha keenay dhimashadiisa.

Qoraalka Taliska Ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay, “Alle haw Naxariistee marxuum ka tirsanaa Ciidanka Qaranka JSL ayaa galabta meydkiisa laga helay xabsi uu ku jiray oo ku yaal xerada Birjeex ee hargeysa.

Marxuumka oo muddo laba todobaad cibaaq amardiido u xidhnaa, ayaa galabta meydkiisa isagoo is-daldalay lagu arkay xabsiguu ku jiray, waxaana socota baadhitaanka sababaha keenay dhimashadiisa.

Taliska Ciidanka Qaranka JSL waxuu tacsi u dirayaa qoyskiisa, caruurtiisa iyo dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland geerida ku timi marxuumka ka baxay, isla markaana caddaynayaa inay baadhitaanka ka dib faahfaahin buuxda ka bixin doonaan geerida askarigaa, mana jiraan wararka sheegaya inuu sababo sicir-barar dartood isku deldelay.

Waxaa looga digayaa dhamaan warbaahinta, inay ka fogaadaan inay faahfaahino mala-awaal ah ka bixiyaan sababaha keenay geeridiisa, inta faahfaahin buuxda ka bixinayaan Ciidanka Qaranka JSL.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa lagu sheegay qoraalka inuu tacsi u dirayo qoyskii iyo caruurtii, qaraabadii, Ciidanka Qaranka & dhamaan shacabka Somaliland, geerida ku timi marxuumkan ka tirsanaa, ilaahayna uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, ehelkiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale, geerida askarigan ka tirsanaa Ciidanka qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli shalay subax Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL dhagax dhigeen xarun cusub oo loo dhisi doono Ciidanka, magaalada hargeysa.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now