Tacsi uu dirayo Muuse Biixi.

May 15, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

15 May 2017

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2017 magaalada Hargeysa..

Marxuum Cismaan Cabdillaahi Siciid oo Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay dib-u-xorayntii dalka iyo dib-u-dhiskii ciidanka Qaranka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Millatariga. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa sarkaal hawlkar ah oo ku suntanaa dadnimo wanaagsan iyo addoon Alle ka cabsi badan.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now