Tacsi: madaxweynexigeenka S/land.

July 1, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 01/07/2017

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta ruug cadaaga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco galabta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

 

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay wakhtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labadaasi ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambena ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door weyn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay bahda saxaafada tusaale u ahaa suxufiyiinta da’a yar ee dalka

 

 

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda saxaafada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

     Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now