Spain Oo Garaacday France, Italy, Holland Iyo Germany Guulo Gaaray & England Oo Lagu Dhegay.

March 26, 2013 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Spain Oo Garaacday France, Italy, Holland Iyo Germany Guulo Gaaray & England Oo Lagu Dhegay.

 

 

Xulka Spain ayaa dib u soo nooleeyay rajadooda ay ku difaacan lahaayeen koobka adduunka ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka France ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka koobka adduunka oo ka dhacday Stade de France.

Spain ayaa ciyaar adag la ciyaartay France islamarkaana gool iyo waxba kaga badisay Les Bleus iyagoo uga mahadcelinaya Pedro. Waxaana France 15 daqiiqo markii ay ciyaarta ka dhineyd casaan ka qaatay da’ yarka Paul Pogba kaasoo jaalihiisii labaad ku qaatay Xavi.

Waxaana guushaan ay ka saacideysaa inay hogaanka u qabtaan Group I kana saramaraan France waxaana ay leeyihiin 11 dhibcood halka France ay leedahay 10 dhibcood, waxaana ciyaaraha isreebreebka koobka adduunka ka haray seddex kulan.

 

Kooxdii kaalin koowaad group-ka kaga soo baxda waxa ay si toos u xaqiijisan doontaa booskeeda koobka adduunka ee Brazil halka kooxda kaalinta labaad ay rajadeeda ku xirnaan doonto kulamada Play-offs-ka.

 

Xulka England ayaa isna taako kala kulmay Montenegro iyagoo ku kala baxay barbaro 1-1 ah ciyaar adag oo labada xul dhexmaray, iyadoo weli Montenegro ay hogaanka u heyso Group H.

 

Wayne Rooney ayaa hogaanka u dhiibay England daqiiqadii 6aad ee ciyaarta, laakiin England ayaa waxaa guusha ka beeniyay Damjanovic ciyaarta oo 15 daqiiqo dhiman kaasoo Montenegro u dhaliyay goolka barbaraha.

 

Montenegro waxa ay group H ku hogaamineysaa 14 dhibcood, halka England oo kaalin labaad ku jirta ay leedahay 12 dhibcood.

 

Dhanka kale xulka Italy ayaa sii xajistay hogaanka Group B ee isreebreebka koobka adduunka ka dib markii ay 2-0 direen xulka Malta oo marti ay u ahaayeen.

 

Mari Balotelli oo beryahaan la qaban la’ yahay ayaana guusha ku hogaamiyay xulka Azzurri ka dib rigoore uu u saxiixay daqiiqadii 8aad ee ciyaarta ka hor inta aysan Malta rigoore iska qasaarin 8 daqiiqo ka dib.

 

 

 

Balotelli ayaana natiijada hurdo u diray markii uu dhaliyay goolkii labaad dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.

 

Italy ayaa haatan hogaanka ku heysa Group B 13 dhibcood halka Bulgaria oo ku soo xigta oo leh 11 dhibcood ay barbaro 1-1 ah kala kulantay xulka Denmark.

 

Dhanka kale xulka Holland ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaanka koobka adduunka ee 2014 ka dib markii ay 4-0 ku qaarjiyeen xulka Romania, iyagoo leh 18 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaareen ilaa iyo haatan.

 

Guusha Holland ayaa waxa ay uga mahadcelineysaa Robin van Persie oo labo gool dhaliyay, Van der Vaart iyo Lens oo labo gool kale dhaliyay.

 

Netherlands ayaana gool looga dhalin gurigooda ciyaar isreebreeb koobka adduunka ah tan iyo 2004tii.

 

Dhanka Group C xulka Jarmalka ayaa sii dheereystay hogaankooda ka dib markii ay 4-1 kaga talaabsadeen xulka Kazakhstan.

 

Reus ayaa labo gool u dhaliyay halka Gotze iyo Gundogan ay iyagana labo kale kala qeybsadeen.

 

Germany waxa ay hogaanka ku heysaa 16 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaareen.

 

Wariye siciid xuseen yuusuf

Somalilandfuture Hargeysa

Siciid4@yahoo.com

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now