Soomaaliya iyo Turkiga oo kala Saxiixday Heshiisyo Milatari Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala saxiixday heshiiska

December 6, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Muqdisho(Somalilandfuture)Doowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo ku aadan horumarinta arimaha gaashaandhiga, heshiiskaan ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

Muqdisho(Somalilandfuture)Doowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo ku aadan horumarinta arimaha gaashaandhiga, heshiiskaan ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

Kadib kulan dheer saacado badan qaatay oo ay yeesheen madaxweynayaasha Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdala Guul, ayay shir jaraa’id oo siwada jir ah ay ugu qabteen magaalada Ankara waxay si rasmi ah ugu soo bandhigeen heshiiska ay kala saxiixdeen labada doowladood eek u aadan horumarinta arimaha gaashaandhiga.

Heshiisyadan oo dhammaantood ah iskaashiga hormarinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeeya iskaashi labada dhinac ay ka yeeshaan Gaashaandhigga ayadoo heshiiskaasina uu si rasmi ah Soomaaliya fursad ugu siinayo dib u dhiska iyo hormarinta arrimaha Gaashaandhigga oo ay ugu horeeyso dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka Gaashaandhigga ah ayadoo heshiiskaasina uu sahlayo in Turkigu ay tababar iyo qalabeyn siiyaan Ciidamamda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxaana heshiiskaasi dhanka Gaashaandhigga ah goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maalliyadda Soomaaliya.

 

Heshiiskan waxa uu wax badan ka bedelayaa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ka helaan tababarro iyo qalabeyn joogta ah taasi oo horseedeysa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay noqdaan Ciidammo leh awood buuxda ayadoo qalabkoodana uu u dhameystiranyahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal jeediyey saxiixidda heshiisyadaasi kadib waxa uu uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga taageerrada lexaadka leh ee ay nala garab istaageen lagasoo bilaabo saameyntii Abaaraha ee dalka ku dhuftay bartamihii sanadkii 2011ka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heshiisyadaasi ku tilmaamay iney yihiin kuwo dhaba u xaaraya hormarka Soomaaliya iyo halka ay Umaddu hiigsaneyso oo ah iney dib u helaan hay’addo Dowladeed oo dhameystiran kuwaasi oo si hufan u gata dhammaanba howlaha ay shacabku ka sugayaan ayadoo sidoo kalena uu Madaxweynuhu Ballan qaaday in Soomaaliya ay xoojin doonto xiriirka soo jireenka ah ee walaalaha Turkiga kala dhaxeeya.

 

Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul oo isaguna dhankiisa hadal jeediyey heshiisyadaasi kadib ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Turkiga ay ka go’antahay iney si dhab ah u taageeraan walaalahooda Soomaaliyeed ilaa inta uu dalkooda cagahiisa isku taagayo waxaana uu Ballan qaaday iney sii socon doonto taageerrada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

 

Labada Madaxweyne waxey si wadajir ah u saxiixeen heshiisyo horseedaya iney Dowladda Turkigu door weyn ku yeelato dib u dhiska iyo hormarinta Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Heshiisyadan lagu saxiixay magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga ayaa noqonaya heshiisyadii ugu waaweynaa ee mar qura ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho dal ka mid ah dalalka dunida hormartay ayadoo sidoo kalena heshiiskan lagu tilmaami karo heshiiskii ugu horeeyey oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la saxiixdo dal ka tirsan Qaaradda Yurub.

 

Inkastoo guud ahaan heshiisyadaasi ay yihiin kuwo hormarinta Dalkeenna gacan ka geysanaya hadana dad badan heshiiska ay sida gaarka ah ugu arkaan inuu yahay mid muhiim ah waa heshiiska ay qalinka ku wada duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Mudane İsmet Yılmaz     .

 

Sababtu waxa ay tahay Turkiga waa dal Ciidankiisu aad u dhisanyahay waana dalka labaad ee ugu Ciidanka iyo Hubka badan Ciidammada la isku yiraahdo Gaashaanbuurta NATO taasi oo dad badan ay u arkaan iney Soomaaliya u tahay fursad ay dib u dhis iyo qalabeynba ugu sameynsan karto Ciidammadeeda Qalabka Sida.

 

Sidoo kale waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu dambeeyey ay Dowladda Soomaaliya si aad ah ugu howlaneyd dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida taasi oo ay Dowladdu la kaashaneysay dalal Afrika ku yaala waxaana taasi ay keentay in Ciidammada hada uu ka muuqdo dib u dhis waayo gudaha dalka iyo dalalka Afrika qaarkood waxaa tababarro kala duwan loogu soo xeray Ciidammo hada ka tirsan kuwa Qalabka Sida oo iyagu gudaha dalka ka howlgala.

 

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ahaa mid soo jireen ah balse dad badan waxa uu si aad ah ugu muuqday sanadihii ugu dambeeyey xiligaasi oo ay walaalaha Turkigu door weyn ku lahaayeen gurmadkii uu Caalamku Soomaaliya ugusoo gurmaday markii ay gobolka saameysay abaar xoogan ayadoo kolkaasina uu Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho taasi oo indhaha caalamka Soomaaliya si aad ah ugusoo jeesiday islamarkaana bedeshay aragtidii ku aadaneyd in Soomaaliya ay tahay Dal aanan Madaxda Caalamku tegi Karin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hada socdaal ku jooga magaallada Ankara waxa uu maalinnimada khamiista berri ah u ambabixi doonaa magaalada Istanbul halkaasi oo uu kula kulmayo Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

 

Source:RDM

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
h Dhakhtarnimaddu waa Shaqo iyo Farriin lagudbinaayo!‏    May 23, 2016
Dabbcan dhakhtarnimadu waa shaqo middeynaysa hawlo baddan oo sifooyin waddaaga taas
n Gefkii laga galay wiilkii Gabooye : Waxa Qoray Cumar Seerbiya‏    May 23, 2016
Saw ma jirto waxbaaha qaar aanayd jeclaysan  inaad adigu ahayd qofkii ogaa  marar badana saw isma
j Gobollada Bari xabbad uma baahnee xal siyaasadeedbay u baahanyihiin !‏    May 20, 2016
Gobolka Sool  waa gobol ka mida deegaanka Somaliland oo ay ku dhaqan yihiin bulsho dhaqan iyo dhaqa
Seerbiya Ninkii Warankiisu ku weecday: Waxa Qoray Cumar Seerbiya‏    May 19, 2016
(SLF)- Haddii ay dhibi dhacayso nooc ay tahayba waxa ugu horeeya  ee aad ka fikirtaa  waa in aad a
Somaliya Waxaanu Leenahay Haddii Wax La Wadaagi Kari Waayo Waxa Furan In Wax La Kala Yeesho‏    May 18, 2016
Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii ingiriiska sanadkii 1960-gii waxay dan mooday ina
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2016
M T W T F S S
« Apr    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now