SONSAF oo ka Qaybgashay Shir Caalami ah oo lagaga Hadlayey Qalalaasaha iyo Nuglaanshaha

December 9, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ayaa ka qaybgashay shir caalami ah oo lagaga hadlayey qalalaasaha, nuglaashaha iyo kadib qorshaha hiigsiga horumarinta adduunka ee 2015, kaas oo ka dhacay magaalo-madaxda dalka Liberia ee Monrovia.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen ergooyin aad u badan oo kala matalayey qaaradaha Yurub, Latin America, Maraykanka, Afrika iyo Eeshiya, isla markaana ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Xoghayaha, horumarinta Iskaashiga iyo Siyaasadda dawladda Finland Anne Sipilianen, sidoo kalena ay ka qaybgaleen madaxda dawladda Liberia oo ay u horreysay Madaxweynaha dalkaasi Mss. Ellen Johnson Sirleaf oo ay wehelinayeen wasiirkeeda Maaliyadda iyo Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta.

Shirka oo socday laba maalmood (29 – 30 November) waxa laga jeediyey khudbado iyo warbixinno lagu soo bandhigay waxyaabaha lagu guulaystay in laga gaadhay qorshaha hiigsiga horumarka caalamka ee loogu yeedho (Millennium Development Goals), iyadoo adduunyadu ku sii dhawaanayo dhammaadka waqtiga loo asteeyey qorshaha hiigsiga horumarka ee 2015-ka, waxa hoggaamiyayaasha caalamka iyo muwaadiniintu meel kasta oo ay joogaan ku hawlanyihiin wadahadallo waxtar leh iyo falcelin ku saabsan waxa laga gaadhay horumarka iyo waxay noqon karaan qorshayaasha lagu guulaysan karo waqtiga hiigsiga.

Guddi sare oo ka kooban 26 xubnood oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay July 2012, oo ay wada hoggaamin doonaan Madaxweynayaasha Lebiria iyo Indonesia – Ellen Johnson Sirleaf iyo Susilo Bambang Yudhoyono iyo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. Devid Cameron, ayaa diyaarin doona aragtida fog iyo qaabaynta qorshaha horumarinta ee kadib 2015, kaas oo ka qaybqaadan doona in lagaga jawaabo loollanada adduunka ka jira qarnigan 21-aad, iyagoo warbixin qorsheed si fiican u diyaarsan oo ka turjumaysa horumarinta rabitaanka bulshada u gudbin doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay bisha May 2013-ka.

Shirka waxa dalalka Afrika loo oggolaaday inay ka hadlaan waddamada Ghana iyo Somaliland oo keliya, iyadoo Dallada SONSAF oo metelaysay Somaliland uu uga qaybgalay Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ah guddiga sare ee ururka, ayna u suurogashay inuu madasha ergadu isugu timi ka jeediyo khudbad kooban oo ku saabsan taariikhda Somaliland iyo horumarka ay gaadhay muddada 21-ka sanno ah ee ay jirtay.

Mr. Mustafe waxa uu ka warramay hannaanka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagu siday uga hannaqaadeen Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo si ballaadhan u soo qaatay doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo uu tusaale u soo qaatay tii u dambaysay ee dawladaha hoose ee 28-kii bishii November qabsoontay oo ku beegnayd maalin uu kadib furitaankii shirkaasi. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland leedahay hannaan ay kaga hortagto qalalaase kasta oo carqalad ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada oo ay ugu horreeyaan golaha odayaasha Guurtida Somaliland.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Somalilandfuture Hargeysa

Siciid4@yahoo.com

TeLL 25224461316

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now