Somaliland & Imaaraadka Carabta oo la saadaalinayo inay heshiis rasmi ah berri kala

March 18, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Dubai-(SLF)- Raysal-wasaaraha wadanka Imaaraadka Carabta  Sheekh Maxamed bin Rashiid ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey raashin mucaawino loo diro Somaliland, xilli adaxaajood maalmahii u dambeeyey u dhexeeyey Wefdi ka socda xukuumada Somaliland iyo madax ka tirsan xukuumada Imaaraadka Carabta ayaa la saadaalinayaa in la soo gebagebeeyo maalinta berri ee Isniinta.

Sida ilo xog-ogaal u xaqiijiyeen shabakada Somalilandspan, wadaxaajoodka u dhexeeyey masuuliyiinta Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo si wanaagsan iskula qaateen qodobaduu ku saabsanaa, ayaa la filayaa in maalinta berri Isniinta ku kala saxeexdaan heshiiskii u dambeeyey.

Inkastoo weli aanu jirin tafaasiil dheeraad ah oo laga hayo ujeedada wada xaajoodka madaxda Somaliland iyo Imaaraadka carabta uga socda magaalada Dubai, iyo noocyada heshiisyada loo ballansan yahay saxeexooda berri, ayaa dhinaca kale, loo badinayaa inuu ugu horeeyo heshiis dawladda Imaaraadka carabtu kaga samaysanayaan saldhig milateri magaalo xeebeeda Berbera, inkastoo iskaashi labada wadan ka yeelanayaan dhinacyo kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada, beeraha, biyaha la saadaalinayo in heshiisyo ku saabsan ku jiraan.

Dhinaca kale, Markab sida raashin xaddigeedu yahay shan kun oo Ton, isla markaana ah  mucaawinno loogu tallo-galay dadka abaarahu tabaaleeyeen ee gobolada Somaliland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaadho dekeda Berbera.

Markabkan  dalka Imaaraadka Carabtu u soo dirayo Somaliland oo la sheegay inuu amarkiisa uu bixiyey Sheekh Maxamed bin Rashid al Maktoum, Raysal-wasaaraha, ahna Amiirka Dubai ayaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaato dedaalada xukuumada iyo shacabka Somaliland guddo iyo dibed ugu jiraan taakulaynta dadka abaarahu saameeyeen ee dalka.

Xukuumadaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo xidhiidho iskaashi dhow dhexmarayey sannadahii u dambeeyey, isla markaana hore heshiisyo dhinacyo kala duwan u dhexmaray, ugu muhiimsanaa casriyeynta dekeda Berbera, ayaa dhinaca kale, khubarada ka faalooda siyaasadaha caalamku ku sheegeen inuu tilmaamayo madaxbanaani Somaliland haysato, maadama heshiisyada noocan oo kale dhexmari karo laba wadan oo aqoonsi buuxda haysta.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now