Sirta aad ku Xakamayn Karto Cadhadaada si Aanad Dhibaato u Geysan amma Cid Wax u Yeelin

March 11, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Dadka cadhadu dariska tahay amma cadhada badan, ayaa loo helay nidaam amma habab ay cadhadooda ku xakamayn karaan, iyaga oo aan cid kale oo dejisa u baahan.
Khubaro ka hawlgasha cadiifadda iyo hab-dhaqanka bina’aadamka oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in dadku xaaladooda cadhada badan naftiisa ku xakamayn karo, isaga oo isticmaala markuu cadhaysan yahay gacantiisa bidix, kuna qabta hawsha uu hayo haddii uu midigle yahay, haddii kalena uu gacanta midig hawsha ku qabsado si cadhadiisu u degto.
Khubaradan waxay tilmaameen in haddii qofku uu gacanta khaldan ee aannu isticmaalin wax ku qabto inay ula muuqanayso in uu wax xun sameeyey, dabadeedna cadhadiisa halkaa ku illoowayo.
Dr. Thomas Denson oo ka hawlgala jaamacadda New South Wales, ayaa sheegay in nafta xakamaynteedu aanay ka duwanayn ciyaaradda ciyaaraha kala duwan oo sida garaacidda qalabka muusigada loola qabsado, iyadana loola qabatimo.
Cilmi-baadhistoodan waxay ku tilmaameen inay ku oggaadeen haddii dadku isticmaalaan laba toddobaad gacanta aanay hore u isticmaali jirin ay xaaladooda cadho aad u degayso, waxaanay kula taliyeen hadday midigle yihiin inay hawl-maalmeedkooda ku qabtaan bidixda si waxyaabaha uu biisan lahaa uga badbadaan.
Dr. Denson oo daraasaddiisa lagu daabacay wargeyska Curren Direction oo lagu qoro arrimaha cilmi-nafsiga, ayaa ku tilmaamay in xakamaynta naftu si aanad wax u dilin amma u garaacin aad kaga badbaadi karto inaad bidixda isticmaasho, halkii aad midig ka isticmaali jirtay
“Inaad Mouse-ka koombuyuutarka, shaaha ku isticmaasho, albaabkana ku furto gacanta aanad hore hawsha ugu qaban jirin, waxa laga yaabaa inay ka badbaadiso dhibaatooyin badan oo dil gaadhi lahaa.”
Khubaradani waxay u tusaale u soo qaateen arday ka mid ah dadka daraasadda lagu sameeyey oo kuwo kaloo si xun u aflagaadeeyey, talana lagu siiyey in uu gacan khaldan isticmaalo muddo laba toddobaad ah ayey daraasadu tilmaantay in cadhadiisuu uu si fudud u xakameeyey, isagoo markii hore gaadhsiisnaa inuu ardaygaas qudha ka jaro.
Dr. Denson iyo asxaabtiisu waxay tilmaameen in dadka cilmiga dambiyada iyo bulshada ku takhasusay ay muddo dheer aaminsanaayeen in dadku dambiyada ku kacaan markay fursad helaan, naftoodana xakamayn kari waayaan.

diyaariye ibraahin khadar siciid

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
WAA IN LAGA HORTAGO DHAQANKA HALISTA BADAN EE CIISE MUUSE U HORSEEDAYO SOMALILAND.‏    June 22, 2016
Beeshan arrinkoogu wuxuu ka dhigan yahay Somaliland dawlad maaha ee waa ciidan beeleedyo) Beryaha
12 HALOO HIILIYO HORN CABLE “HCTV”‏    June 21, 2016
HALOO HIILIYO HORN CABLE “HCTV”‏. HCTV wuxuu ka mid yahay warbaahinta ugu firfircoon uguna fa
b Axmed ismacil samatar muxu ku soo kordhin karaa xisbiga kulmiye‏    June 16, 2016
Maalmahan u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay ku biiritaanka Prof Axmed Ismaaciil Samatar ee Xisbi
mqdefault Wasiiru Dawlaga Nabadaynta Bariga Waxa Uu Gaadhay Dagmada Kala Baydh Ee G,sool‏    June 15, 2016
(SLF)- Wasiiru Dawlaga Nabadaynta Bariga Waxa Uu Gaadhay Dagmada Kala Baydh Ee G,Sool‏.  
index Guddoomiyihii Wargeyska FOORE Oo Maalintii 5aad Ku Xidhan Xarunta CID-da Iyo Damaanad Maxkamadda Gobolku Ku Sii Dayn Lahayd Oo La Hor Joogsaday‏    June 2, 2016
Hargeysa-  ( SLF)- Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE Mudane Cabdirashiid Sheekh Cabdi
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2016
M T W T F S S
« May    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now