Shir-weyne Balaadhan Oo Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Sul. Yuusuf Xiirey La-yeeshay Beeshiisa+Ujeedada Uu Daaranaa

July 8, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF )-Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Isla markaasina ah Af-hayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa shir-weyne balaadhan oo lagu dardar galinaayo qaadashada Kaadhka Diiwaangalinta la yeeshay , Wax-garadka ,Aqoonyahanka ,Hogaanka Dhaqanka , Siyaasiyiinta iyo dhamaab qaybaha kala duwan ee Beeshiisa.

 

Shir-weynahan balaadhan ee uu soo qaban-qaabiyey Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Sul. Yuusuf Muxumed Xiirey oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay isla markaasina kulmay labeenta iyo haldoorka Beeshan ayaa ka qabsoomay Hallka shirarka ee Shiraaqle Hotel Hargeysa.

Shirkan oo lagaga arinsanaayey sidii dadweynaha degaanada beeshani degto loogu abaabuli lahaa inay sida ugu haboon uga qayb-qaataan qaadaashada kaadhadhka diwaangalinta Doorashada oo 9 bisha ka bilaabmaysa gobolada Togdheer iyo Maroodijeex oo ay kamid yihiin beel ahaan .

 

 

Suldaanka Guud ee beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa waxa uu xusay muhiimada ay leedahay in dadweynaha degan deeganada Beeshiisu degto oo aad u balaadhani ay qaataan kaadhadhka diwaangalinta oo uu Suldaanku xusay inay iska diwaangaliyeen tiro aad u badan oo ah 70,000 todobaaan kun oo cod oo u dhiganta ama ka badan dadka iska diwaangaliyey qaar kamida Lixda Gobol ee waa weyn ee Somaliland , taasi oo uu Suldaan Xiirey xusay in ay muhiimadeeda leedahay in lagu dadaalo in dhamaan tiradaas badan ee is diwaangalisay ee kasoojeeda Afarta degmo ee ay beeshani degto in sida ugu haboon ay u qaataan isla markaasina aad layskaga xilsaaro dhamaystirka in la wada helo dhamaan codadkaas oo uu xusay Suldaanku inay kor u qaadayso miisaanka iyo qiimaha ay deeganada Beeshani kaga jirtay guud ahaan Somaliland.

 

 

 

 

Shirkan oo ahaa mid kulmiyey dhamaan qoor-weynta Beesha bariga Hargeysa ayaa waxa sidoo kale hadalo guubaabo ah kasoojeediyey, Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi Xaaji Aadan, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan,Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye, Ganacsade Maxamed Baarjeex Xasan,Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Cismaan Geeljire, Agaasimaha Wasaarada Amniga Xasan, Gudoomiyaha Haayada ICT-ga Qaranka Cali Cabdilaahi Daahir , Gudoomiyaha Jimciyada Sooyaal Mujaahid Xasan Cabdi Dugulo,Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin Timacade iyi haldoor iyo dhalinyaro kale oo dhamaantood qaybaha kala duwan ee beesha ku guubaabiyey muhiimada ay leedahay qaadashada kaadhadhka diiwaangalintu.

 

 

 

Gabagabadii Shirkan ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe oo si qoto-dheer uga hadlay qiimaha ay ku fadhido qaadashada kaadhka diiwaangalinta ee doorashada oo uu xusay inay tahay in muwaadinku qaadanaayo inuu ka talin karo masiirkiisa Siyaasadeed ee shanta sano ee soo socota iyo sidoo kale cida ku matalaysa ee uu awoodiisa cod ku matali doonta ,Dhinaca kale waxa uu Wasiir Farxaan Xusay dadaalo culus oo ka xukuumad ahaan ay ugu jiraan sidii xuduudka Itoobiya loogu furi lahaa dadweynaha reer Somaliland ee ka talawsan xuduudka si ay kaadhadhka u qaadan karaan , Taasi oo uu Wasiirku xusay inay Wafti culus oo Xukuumada ka tirsani ay maalmihii ugu danbeeyey ugu maqnaayeen dalka Itoobiya oo ay kala soo xaajoonayaan sidii xadka loo furi lahaa maalmaha ay diiwaangalintani socoto.

2 3 4 6 shu2

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now