Shacabka Degaanka Qabri-gorod oo Hadhimo-sharafeed iyo soo Dhaweyn Sare u Sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE + sawiro

July 13, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)Shacabka ku dhaqan deegaanka Qabri-gorod (Balli-gorod) oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa hadhimo-sharafeed qiimo badan oo ay weheliso soo dhaweyn diirrani ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku jooga gobolkaasi.

Hadhimo-sharafeedda ay shacabka deegaagaanka Qabri-gorod ku maamuuseen Guddoomiye Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ka dhacday goob loo diyaariyey oo ku taal deegaankaasi maanta, waxa hormood u ahaa cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada, waayeelka, waxgaradka, haweenka, iyo masuuliyiinta kale ee ka soo jeeda beesha halkaasi degta, iyadoo ka hor intii aan la cunin casuumad heerkeedu sarreeyey ay boqolaal ka tirsan shacabka halkaasi ku dhaqani ay soo dhawayn diirran ku qaabileen Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Munaasibad qayb ka ahayd soo dhawayntaasi oo hadallo laga jeediyey, ayaa salaadiin, cuqaal, waxgarad, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta deegaanku ay si wayn ugu mahadnaqeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa sida ay uga aqbaleen codsigii ay u direen, waxaanay si isku mid ah u sheegeen inay beeshu ka simantahay taageerada ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE.

Xubno ka mid ah weftiga Guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cali Marreexaan, Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Md. Cali Maxamed (Dhegoole), xildhibaan Axmed Wayso-cadde, Xoghayaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Mustafe Waxdad iyo saraakiil kale, ayaa iyaguna ka mahadceliyey casuumadda iyo soo dhaweynta indhaha soo jiidatay ee ay shacabka deegaanka Qabri-gorod u sameeyeen xisbiga KULMIYE, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay taageerada shacabka deegaanku marag ka tahay cududda uu xisbigu ku leeyahay Qabri-gorod.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka deegaanka Qabri-gorod ku bogaadiyey taageerada iyo soo dhaweynta diirran ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxaannu ku hambalyeeyey sida anshaxa iyo milguhu ku dheehanyahay ee ay ula dhacsan yihiin siyaasadaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.

Dhinaca kale, weftiga Guddoomiye Muuse Biixi waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Togdheer oo uu socod ku maray, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Waraabeeye, Balli-hiille, Xangeeyada, Bilcil-wayso, Suryada, Laba-guul, Cadow Yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg oo dhammaantood shacabka ku dhaqani ay ku qaabileen farxad iyo dareen ay ku soo bandhigeen taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka Somaliland, iyadoo Guddoomiyaha KULMIYE uu isna dhankiisa khudbado kala duwan oo u jeediyey bulshada deegaannadaasi uu ugu mahadceliyey, isla markaana uu kala hadlay wax-wadaqabsiga iyo danaha horumarineed ee loo baahan yahay inay ka midho-dhaliso ummadda Somaliland iyo weliba hiigsiga xisbigu doonayo inuu ku hoggaamiyo waddanka.

1 2 3 4 5 6

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now