“Anigu maan hadhin oo Ilaahay iyo ummaddiisu way ogyihiin oo codkaygii waxaa lunsaday hoggaanka xisbiga talad haya ee KULMIYE..” Mr. Cabdiqaadir Shabeel

December 8, 2012 - Written by Editor

Hargeysa (Somalilandfuture) Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Cismaan Xuseen ee Waqooyiga Hargeys ayaa ku eedeeyey hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Guddida Doorashada inay musuqmaasuqeen codadk qaar ka mid ah murrashaxiintii ka dhex tartamaysay KULMIYE.

Odayaasha, dhallinyarada iyo aqoonyahanka beesh oo shalay shir isugu yimi hudheelka Panorama ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in codkii murrashaxa beeshooda u tartamaayey uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi cid kale ku soo saaray, Koomishanka doorashada dhexdeedana lagu musaqay codadkiisii, waxaanay daboolka ka qaadeen inay qadaceen natiijada hordhaca ah ee caasimada Hargeysa.

Suldaanka Guud ee Beeshan Suldaan Xiis Barre oo halkaas ka hadlay, ayaa isagu hoggaanka KULMIYE  ku cambaareeyey inuu si toos ah u musuqay codadkii murrashaxood, waxannu madaxweyne Siilanyo ugu baaqay inuu arrintaas wax ka qabto.

“Beesha Cismaan Xuseen Muusaw, waatii xisbiga KULMIYE soo saartay ee taageertay, kaamanay filayn sidaas, hadday kula noqotay, waannu ka xunahay, waxaanan Muuse Biixaw ku leeyahay, Waxb yaannu xoolan I siin, xaalkayna I marine, xaashe nin libin kaa xastiyey xumihii waa yaab, sababtoo ah inaanad qofka garan, wa inaad garata xaqa, natiijada doorashadaasna m ogolin,” ayuu yidhi Suldaan Xiis.

Murrashax Cabdiqaadir Jibriil Yuusuf (Shabeel), ayaa isagu tilmaamay in codkiisii lagu dhacay xisbiga uu ka sharaxnaa ee KULMIYE, isla markaana ay la yaab ku noqotay natiijad soo baxday, waxaannu ku tilmaamay in wax is daba marin lagu sameeyey xarunta Koomishanka Doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Anigu maan hadhin oo Ilaahay iyo ummaddiisu way ogyihiin oo codkaygii waxaa lunsaday hoggaanka xisbiga talad haya ee KULMIYE, markaan waydiiyeyna, wuxuu igula hadlay, waxaan nin weyni afkiisa soo marin karin.

Anigu waxaan u tartamaynay jaadhi walanimo, laakiin ninka doonaya inuu ummadda Somaliland hoggaamiyo ee madaxweyne noqdo waa adiga, haddii aad xisbigaaga u xaqsoori waydo, ma Somaliland baad u xaqsoori, macluumaadkii iyo codadkii goobah ka soo baxay waannu haynaa.”

Murrashaxan muraaqibiintii u joogay goobaha codbixinta degaanka Daarasalaam, waxay sheegeen in natiijada codadkii uu murrashaxu lahaa hoos loo dhigay, kuwii murrashaxiintii kale ee Faraweyne kula tartamayeyna codad siyado ah xarunta Guddida Doorashooyinka dhexdeeda lagu daray.

 

 

 

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Somalilandfuture Hargeysa

Siciid4@yahoo.com

somalilandfuture@yahoo.com

TeLL 25224461316

 

 

 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
Julian Aas-aasaha Wikileaks Julian Assange oo ka Hadlay Cidhiidhiga Xoriyada Saxaafada    June 19, 2013
  Julian Assange oo ah Ninka aasaasay shabakada saamaynta wayn ku yeelatay dunida ayaa sanad
Wasiirada Masar Iyo Itoobiya1 Dawladda Masar iyo Itoobiya oo ku Heshiiyey in Biyaha Nile la Qaybsado, Wadahalada la sii Wado    June 19, 2013
Addis Ababa (SLF/W.Wararka) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Itoobiya, ayaa ku heshii
Saylici-iyo-Awdal Anigaa Reer Hebel ka Badan ma Soconayso Waxaanad Ilaahay Inooga Baridaan…’Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo booqasho ku tagay Boorama iyo nin magaalada Xariirad lagu dilay oo la aasay + magacyada dad falkaas loo qabqabtay    June 19, 2013
Boorama (SLF)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil
zaad-service-banner Telesom oo Liblaabtay Boobka iyo Bililiqadda ay ku Hayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland iyo Dhaqamad Cusub ee aan ladhayal san karin    June 19, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture) shirkad telesom oo ka mid ah shirkadah isgaadhsiineed ee dalka ayaa, mudo
Daahir Calasaw ILA-EEG iyo KULA-EEGAY ee khamiis laha ahaa oo aan khamiistii idiin soo gudbin barnaamijkii oo maanta eegaya Daahir Culusaw iyo weerarka uu ku hayo Dahab-shiil.    June 18, 2013
     ILA-EEG:  Waxa la yidhi beleda aan kaa qoslini belo maaha, miyaa aragteen yarkii mooryaank
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2013
M T W T F S S
« May    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now