Sadexda Xisbi ee Soo Baxay Oo Labada Mucaaradku Iyagu Isku Mucaarad Yihiin
December 7, 2012 - Written by CabdixakiimWaxaa Doorashadii Golaha Deegaanka ee Arbacadii ina dhaaftay wadanka ka qabsoontay soo baxay sadexdii xisbi ee kama danbaysta ahaa iyada oo aan weli Komishanku shaacin, haddana shaxda muuqanaysa ayaa tusaysa in Kulmiye, Waddani iyo Ucid ku guulaysteen doorashadii gollaha degaanka ee sadexdii xisbi ee ka soo gudbayey doorashooyinkii gollaha degaanka.
Inkasta aan wali lagu dhawaaqin natiijada kama danbaysta ahayd ee ururada ama xisbiyada soo gudbay komishanku ku sheegi lahaa kuwa ay yihiin , hadana inta badan deegaamadii ay ka qabsoontay doorashadii gollaha degaanku natiijadii ka soo baxday iyo kala horaynta Ururadda iyo Asxaabta tartamayay, waxa ay muujinaysaa in Kulmiye, waddani iyo Ucid ku guulaysteen tartankii doorashada Gollaha Degaanka.
Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa hantiyay kuraasta ugu badan ee Golayaasha Deegaanka ee dalka, Ururka Wadani ayaa isaguna ku soo xiga halka Xisbiga UCID bannaystay kaalinta sadexaad. Labadan hoggaamiye ee kala hoggaaminaya labada xisbi ee soo baxay ee Faysal iyo Cabdiraxmaan ayaa ah niman siyaasadu ay middiyo isugu dhiibtay, sidaas awgeed soo bixiddoodu u tahay guul xisbul xaakimka, hase yeeshe, dhaawac ku ah dedaalkii dheeraa iyo tacabkii shacbigu soo galay xilliyadii ololaha iyo doorashada oo ay ku doonayeen in isbedel iyo xisbiyo cusub oo afkaar cusub xambaarsani saaxada siyaasada yimaadeen. Waxayse u egtaahay in tijaabadaas lagu hungoobay, weliba wada shaqaynta axsaabta mucaaradka ahi ka sii adkaan doonto middii tobankii sano la soo arkayay oo ahayd mucaarad isla jaanqaadaya iyo xisbul xaakim. Haddii aynu si kale u dhigno waxaa cad in aanay jiri doonin dhadhan iyo damcad siyaasadeed oo ku soo kordhi doonta siyaasada Somaliland ee axsaabta soo baxday kala hoggaaminayaan tobanka sano ee soo socda, waayo iyagaa ( Waddani iyo Ucid ) waa laba xisbi ee mucaaradka ah’e isku mucaarad noqon doona.!
Muhiimada loo aasaasayey ama shacbigu markii madaxweynuhu u saaray guddidii dadweynaha wax waydiinayay ee lahaa, axsaabta ma la furi karaa iyo ma iska daynaa. Ujeedada ka danbaysay waxa ay ahayd in saaxada siyaasada ay yimaadaan wejiyo cusub, dhalinta lagu soo dhaweeyo siyaasada iyo in la dardar-geliyo geeddi socodka dimoqraadiyada ee curdinka ah. Haddiise ay soo bixi waayeen wejiyadii cusbaa oo ay soo baxeen laba hoggaamiye oo mucaarad ah, laakiin aan mucaarad ku ahayn xisbul xaakimka ee iyagu isku ah, waxa ay sii bakhtiin doontaa dareenkii dadweynaha iyo xiisihii siyaasada loo qabay ee weliba dhalinyaradu u qabtay. Waxaana samaysmaya laba xisbi oo u kala dheereeya casuumadaha madaxweynaha iyo xukuumada ama bandhigyada wax-qabad ee xukuumada, hase yeeshe, aan lahayn jihayn siyaasadeed ama dhaliili karin meelaha xukuumada Siilaanyo ka gaabiso.
Waxaa weliba intaas dheer in aanay xukuumada Axmed Siilaanyo ahayn xukuumad fadhiid ah sidii xukuumadii madaxweynihii hore ee Rayaale ee ay tahay, mid wax-qabadkeedu soo jiidanayaan idhaha muwaadiniinta reer Somaliland. Haddaba, haddii aynu aragnay xukuumada wax qabadkeeda iyo axsaabta soo baxday xaalkooda, ma laga yaabaa in muddo kordhin madaxweynaha ah u kala dheereeyaan laba xisbi ee isku mucaaradka ah ee soo baxay?
Jawaabtaasi waa mid aynu u dayn doono labada hoggaamiye ee labada xisbi ee la filayo in dhawaan shaaca laga qaadi doono soo bixistooda oo kala ah Waddani iyo Ucid. Waxaynu innaguna Bulsho ahaan ka dheehan doonaa jawaabaha inta badan hab dhaqanka ay muujin doonaan labada hoggaamiye xilliyada soo socda.
Cabdixakiim Yusuf Cali
Somalilandfuture Online
Hay’adda Al Nour Charity Foundation oo soo Bandhigtay Mashaariic Khayriya oo ay Dalka ka Fulisay May 25, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Hay’adda arrimaah khayriga ah ka shaqaysa ee Al Nour Charity Foundatio |
Haweenay Mareykan ah oo hore loogu Afduubtay Soomaaliya oo ka warantahay hawulgalkii lagu soo furtay May 25, 2013
Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliy |
Ururka Saxaafadda Somaliland oo ka hadlay xeer Anshax marin ah oo ay la Saxiixdeen Xukuumadda Somaliland May 25, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in aanay ku dhaqmi d |
Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go’Aamo Laga Gaadhay. May 25, 2013
Ceerigaabo(SLF)- Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dh |
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




