Ruushka oo Diyaariyey Nukliyeer Sunaami ah oo Maraykanku Ku Qaraqmayo.

May 2, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)- Sarkaal sare oo hore uga hawlgabay ciidamada Ruushka ayaa sheegay in wadankiisu Badda Atlantica gunteeda hoose ku diyaariyey quwad nuclier ah oo marka la rido kicinaysa mowjadaha badda oo qaabkii Sunaamiga oo kale ah, mowjadahaa badda oo jiidhi doona isla markaana burburin doona magaalooyin waaweyn oo Dalka maraykanka ka tirsan.
Wargayska Telegraph ee Dalka britain ayaa maanta oo Salaaso ahayd soo xigtay oo daabacay waraysi uu General Victor Paranets siiyey Wargayska dalka Ruushka ka soo baxa ee Cosmolskaya Pravd oo isagoo ka jawaabayey joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dalalka xuduuda la leh wadanka ruushka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan amniga guud ee Raashiya sheegay in Maraykanku ay Xuduudaha Ruushka ku soo daadguraynayaan Diyaaradahooda Dagaalka, taangiyada iyo ciidamadooda gaarka ah, laakiin iyaguna ay dhankooda si sahlan Gantaalo Nuclier ah ugu rakibeen gunta hoose ee Xeebaha Maraykanka.
“Gantaalahaa waxaa loo dhamaystiray diyaargarowgoodii waxana ay sugayaaan oo keliya awaamiirta madaxda raashiya’ sidaa waxaa Wargayska u sheegay generalka Ruushka ah ee Victor Paranets oo intaa ku daray in Magaalooyinka badda lagu dari doono ay ka mid yihiin Magaalooyinka Newyork iyo Miami, dalka Ruushkuna ay mar hore diyaarsadeen dariiqooyinkii ay isku difaaci lahaayeen.
dhanka kale mas’uul u hadlay Xukuumada Ruushka ayaa isagu hoos u dhigay in wax ka jiraan warbixinta general-ka sida ay daabacday Jariirada Daily mail ee Dalka Britain.
Hussein kurdi
xogta dunida.com

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Hoggaamiyaha Bulshaawiga Ah VS Igu Sawir: W/Q Mawliid Cali-dhure    August 23, 2017
Hoggaaminta bulshaawinimada leh waa tan hoggaamiyuhu si dabacsan ku raadiyo xidhiidh wanaagsan oo fa
Meher Meher Wacan    August 21, 2017
Meher Wacan   Maxamed Ciise Jaamac (Shabeel), Maxamed Axmed Faarax (Ilkacase), Axmed Maxame
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now