“Runtii Waxa Dhacday Markii Aanu Maxakamadii Is Nidhi Aad Ka Baxdaan In Ciidamadu Ay Weerar Soo Qadaan Oo Ay Rasaas Badan Rideen, Qori Dabadii Ay La Dhaceen Xubnihii Hoggaanka WADDANI” Xoghaye C/rasaaqa Khaliif

April 29, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (SLF)- Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  C/rasaaq Khaliif ayaa ka haddlay falkii saaka ka dhacay maxakamada gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ciidan ka tirsan booliska Somaliland ay weerar ku soo qadeen mid kamid hoolasha Maxakamada, kaas oo  ay markaa  ka socotay dhegaysiga dacwada laba masuul oo ka tirsan Xisbiga WADDANI., kuwaas oo laban cisho in ka badan ku xidhana xabsiga dhexe  ee Hargeysa.

 

 

Xoghayaha maaliyada Xisbiga WADDANI C/rasaas khaliif oo goob-jooge ka ahaa falkaa ay ciidanku kuklka kaceen saraakiisha Xisbiga WADDANI oo war-baahinta kula haddlay xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Sida aad la socoteen maanta waxa maxakamada la keenayey  laba sarkaal oo sare sare oo ka tirsanaa xisbiga oo ahaa guddoomiyihii dhalinyarada iyo xogahayihii Ciyaaraha, waxa ka qayb-galay masuuliyiijn badan oo Xisbiga ka tirsan hoggaankiisa, arrintaa iyada ah  ay ahayd oo keliya  Xisbigu inuu muujiyo dareenkiisa, iyo cadaalada darada ay mudda labaatanka casho iyo dheeraadka ah ahay ku xidhan-yihiin, xubnahaa Xisbiga ka tirsan ee dacwadoodii maanta dhageysigeedii la bilaabay, iyadoo maanta aanan wax dhib ah ka sheeganay garsoorkii iyo sida ay u socota maxakamada  aanu rajaynano insha allah  in ay cadaalada heli doonaan.”Ayuu yidhi Xogahaye C/rasaaq Khaliif

 

 

 

Md C/rasaaq Khaliif oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in  gudaha hoolka Maxakamada ay soo weerareen ciidanka boolisku“Waxa ka soo baxday meeshaa in maxakamada la soo weeraro oo ay ciidankii  boolisku ay  maxakamadii soo weeraraan oo markii koobaad masuuliyiintii Xisbiga oo fadhida  hoolkii Maxakamada ee dacwada lagu dhegaysanayey uu taliyihii saldhigu weerar ku soo qaado oo uu xubno kamid ah “Xisbiga WADDANI” usheego in ay doon-doonayaan mar kasta oo ay gacanta ku dhiganaana ay xidhi-doonaan, xadhigan ninmanka hadda ay hayeen aanu noqon-doonin kii ugu dambeeyey,arrintaa iyada ah oo garsoorihii  Maxakadamada Gobolka ee dacwada oogayey  ay Xisbigu u gudbiyeen isna uu amar ka bixiyey in arrintaa iyada ah aan wax talaabo ah laga qaadin xubtinaa ka tirsan hoggaanka Xisbiga C/laahi Axmed ee ay wada haddleen oo kuu biiray xubnihii hore  ee gar-darada u xidhnaa,waxa ka muuqatay Taliyahaa Saldhigu inuu ahaa nin la soo diray , oo ay ciidanku hore u doon-doonayeen sarkaal-kaa hoggaanka ka tirsan iyo Xubno kale oo uu magacaabay Taliyuhu”

 

Dhanka kalena Xogahaye C/rasaaq Khaliif ayaa sheegay in markii ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka soo baxeen afaafka hore ee Maxakamada ay ciidanka boolisku rasaas ku rideen, isla markaana ay jidh-dileen xubno kamid saraakiisha Xisbiga WADDANI,iyadoo qaarkoodna ay xabsiga u taxabeen”Runtii waxa dhacday markii aanu maxakamadii  aanu is nidhi aad ka baxdeen in ciidamadu ay weerar soo qadaan,rasaas badan rideen qori dabadii ay  la dhacaan xubnihii  hoggaanka “WADDANI” Xoghayeyaashii iyo dhammaan xubnihii meesha joogay illaa boqol xabadoona  sidii saxaafad qaarkeed oo meesha joogtay ay arkayeen ay ridaan , ragga qaarna ay dhaawac yihiin oo dhakhtarka la dhigay, ragga qaarna la xidh-xidhay,arrintaasi waxay muujinaysaa xukuumadda hadda jirtaa sida ay ugu fashilantay in ay illaaliso amnigii dalka,sida ay ugu fashilantay in ay illaaliso xuquuqdii uu muwaadinku lahaa,xuquuqdii asxaabta qaranka ee loo doortay,oo aad ogtihiin labada xubnood ee xidhani waxa ay ka haddlayeen in ay ahayd arragtidoodii siyaasiga ahayd ee ay xaqa u lahayeen oo dhibaatooyinkii jiray ee ay xukuumaddu geysatay oo lagu andacoonayey  in waddo dadka loo furayo , waddooyinka xidhan maanta ee halbowlaha ah  ee suuqyadii waa weynaaya  ee ahaa ku wii ay nolashu ku xidhnayd weynu ognahay,meesha la furayeyna weynu ognahay.“Ayuu yidhi C/rasaaqa Khaliif.

Geesta kalena Siyaasi C/rasaaq Khaliif ayaa sheegay  in waaxda garsoor ay ahayd meesha keliya ee qaranka u bad-qabtay, isagoo fariin u diray Madaxweyne Siilaanyo “Markaa  iyadoo taa hore loogu andacoonayey  in haddana meeshii keli ahayd  ee inoo bad-qabtay oo ahayd garsoorkii maanta in weerar lagu soo qaado oo Maxakamada gudaheedii Xubnihii Xisbiga lagu weeraro  lagu rasaaseeyo oo ay xabadi ka dhacdo lagu xidho lagu haddido , runtii waxay tilmaamaysaa Xukuumaddu in ay ku fashilantay hawlaha ay qaranka u haysay, waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha runtii maanta meel uu migo iyo sharaf uu ku sii joogaa in aanay jirin oo aanay dalka ugu hadhin, haddii ay halkaa marayaan oo uu garsoorkii dalku halkaa marayo , xibiyadii qaranku haddii ay halkaa marayaan  in ay magac-darro iyo milgo la’aan ay u tahay fadhiga uu sii fadhiyo iyo joogitaanka uu sii joogaa .

 

Ugu dambayntii  Xoghayaha Maaliyada Xisbiga WADDANI Mr C/rasaaq Khaliif ayaa maxakamada ugu baaqay in ay  talaabo ka qaaday in ay cadaalad xubnaha ka xidhan Xisbiga WADDANI, isagoo sidoo kalena ka dalbaday Maxakamada in ay go’aan ka soo saarto  falkii ka dhacay hoolka maxakamada iyo afaafka hore ee lagula kacay masuuliyiinta Xisbiag waddani “waxaanu maxakamada usoo jeedinaynaan in ay  talaabada ay ka qaadayso ee ay ka qaadayso  xubnaha xidhan in ay cadaalada heleen annagoo kalsooni ku qabna, xubnaha kale  ee lagu  soo weeraray iyagoo xaruntoodii ku jira  ee lagu qabtay xaruntooda gudahoodii  ee lagu wax-yeeleeyay xaruntooda gudahoodiina in ay iyaduna go’aan ka qaadato ayaan ugu yeedhaynaa “Maxakamadu”, Xisbi ahaan waxaan halkan ka cadaynaynaa arrintaa in aananu marnaba aqbali doonin in aananu marnaba luqunta laalaadin doonin.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now