Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia oo loo Doortay Madaxtinimada Ururka Midowga Africa

January 28, 2013 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Shirka 20-aad ee midowga Africa axadii shalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa madaxtinimada Ururka Midowga Afrika ee halka sano ee fooda inagu soo haya loogu doortay, Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Haile Mariam Dessaling.

Ra’iisal Wasaare Haile Mariam Dessaling oo xilka kala wareegaya madaxweynaha dalka Benin Thomas Boni Yayi, ayaa sheegay in mas’uuliyada culus ee la saaray uu qaadanayo, madaxtinimada midowga Afrikana sidaa ku qaban doono.

Madaxweynaha dalka Benin ayaa isagu xilkaas soo hayay muddo sanad ah, taas oo ku salaysan xeerka ururka midowga afrika ee kaltanka loo qabto madaxtinimada ururkaas, waxaana sanad kasta marka la gaaro bisha January caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa lagu doorta guddoomiyaha cusub ee sanadka soo socda.

Guddoomiyaha wakhtigiisu dhamaaday ee Madaxweynaha Benin ayaa ururka midowga afrika si kulul ugu canaantay isla markaana gaabis, ku tilmaamay sidii ururku uga jawaabay dhibaatada dalka Mali, waxaanu Mr. Yaya u soo jeediyay Afrikaanka in aanay gaabiska noocaas oo kale ah ku sii dhaqmin.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
HOODO BEENI RAAD MA LEH: GABADH U DHALATAY MURITAANIYA OO SAWIRKEEDA LOO ISTCIMAALO IN LAGU AFLAGAADEEYO HAL-DOORKA SOMALILAND    December 2, 2016
By; Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland Dad amma qof aan xil-kas ahayn, ayaa isticmaala sawirka g
Nolol La Xasuusto – Qeybtii 6aad – Siciid Maxamed Gees    December 1, 2016
Timacadde Afka Carabiga ayaa dadka Soomaaliyeed wax ku qoran jireen, oo waraaqaha isugu diri jire
Dembigii Gudoomiye-xigeenkii Xuquuqal-Insaanka Somaliland Dariiqa Sharci Ma Maray? Maxamuud Cali (Walaaleye).    November 28, 2016
Salaanta islaamka ka dib, shaqsi kastoo masuuliyad ummadeed qabta, waxa waajib ku ah inuu sida ugu h
Baroordiiq – Maxamed Jaamac Warsame – Kayd. Waxa qorey Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”    November 26, 2016
Saaxiibbada warbaahinta halkan ku lifaaqan. Waxa isoo gaadhay farriintan ka timi Rashiid Sheekh Cabd
Nolol La Xasuusto – Qeybtii 5aad – Siciid Maxamed Gees    November 17, 2016
Heestan uu qaadi jiray Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, waxa ku habboonayd inuu yidhaahdo mindhaa: “Nin
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
December 2016
M T W T F S S
« Nov    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now