Qormo taxane ah oo Ribada iyo Muraabaxada ka hadlaysa

March 18, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalatey xeerka Baananka  Ribada ku macaamila ee baarlamaanka Somaliland ka doodayo ajandihiisa.
Arrintan baa dood dheer ka dhex curisay  golaha sharci dejinta Soomaliland, unugyada aqoon yahanka ee dhaqaale yahanka ah, culimada shareecada   iyo bulsho weynta  guud ahaanba.  Mugdi weyn ayaa ka abuurmay macaamilka baananka Islaamiga ah, Baananka  Ribada ku ganacsada iyo  waxa ay ku kala soocan yihiin. Waxa isku gedmaday oo la kala fahmi  la’yahay Ribada iyo Muraabaxada (kala macaashka) oo dirkuba iika ka tirsan yihiin.
Waxa tuhun weyn dusha loo saaray culimada shareecada  oo iyagu ka soo hor jeestay baananka Ribada, waxaana loo sibir saaray in ay hiil gaar ah ama difaac  ay maslaxadi ugu jirto iyaga oo toos ah la garab istaageen baananka islaamiga. Aqoon yahan badan oo dhaqaalah bare ka ah , waxana ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa iyaguna ku jiho wareeray  fahamka iyo kala sooca macaamilka labadan jaad ee baananku ku adeegaan. sidoo kale bulsho weynta  la macaamisha baananka islaamiga ah ayaa tashuush , caad iyo xayaabo ka fuushay macaamilkooda ganacsi ee ay la wadaagi jireen baanankaas.

Haddaba si aan u kala furdaamino arrimahan isku murgay, si aynu jid ugu buxino is-diidooyinka kakan ee  ay ku mergadeen in badan oo mujtamca ka mid ah , si ay dab-qulaalis ugu noqoto  xubnaha xildhibeenada baarlamaanka Somaliland oo miidadowsanaya  sawir iska gedmaday oo uga hummaagay  labadan nooc ee baananka.
waxa aan qalinka u qaatay in aan hawraartayda ka geysto  xaajadan gudaha weyn. ma ihi Fiqi  culuunta shareecada tahan fog ka gaadhay, ee waxaan ahay dhaqaale yahan cilmiga ganacsiga  bartay oo barena ku ah, kuna sar goostey  dhaqankiisa, dhaqaalihiisa, diintiisa  iyo waayaha uu ku nool yahay miisaanka shareecadda.
Qormadan taxanaha noqon doontawa waxaan si waafi ah ugu lafo guri doonaa Iibka guud , anigoo ku dhisaya qaacidooyika madhabka Shaafici, iyo aragtiyaha ama falsafadaha ganacsiga. Iibka ; waa eray ka kooban laba waaxood  iib+ka oo ah magac iyo qodob, waxaanu leeyahay  dhadhan  macne oo qofka afka soomaaligu u ibo baxsan yahay u sameeynaya  faham diir la’ oo cad. Iibku waa dhaqan  iyo macaamil u dhexeeya aadamaha oo dhan , mase aha mid u dhexeeya Allaah iyo aadamiga.

La soco……….
Bare sare . Axmed Muuse Ismaaciil

__________________________________
Mr. Ahmed Muse Ismail
Public Relations Officer at University of Burao.
+252634438672

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
jk Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland    March 24, 2017
ilaahay baa mahad leh, waxaan halkan duco iyo salaamad ugu dirayaa Gudiga Abaaraha Qaranka ee Culima
Madaxweyne Kastaba Hoggaamiye Ma Noqon Karo: W/Q Cabdiraxmaan Cadami    March 22, 2017
Inkasta oo dadka qaar isku qaldo labada darajo, Madaxweyne kasta ma noqon karo hoggaamiye laakiin, h
Ahmed wall Qormo taxane ah oo Ribada iyo Muraabaxada ka hadlaysa    March 18, 2017
In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalate
cabdi caydiid MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)    March 14, 2017
Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_Mustafe MAQAAL: Maxaa U Dhaxeeya Baggiyada Islaamiga ah Iyo Banggiyada Ganacisga (Ribawiga ah)    March 11, 2017
1. Waa maxay Banggi Dul-saar leh (Ribo) Conventional Banks? 2. Waa maxay Banggi islaamiya? 3.
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
March 2017
M T W T F S S
« Feb    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now