QORMADA LABAAD : TAARIIKHDA BURCO IYO SIYAASIYIINTA KU SUNTAN KHADKA CAGAARAN “ GREEN LINE” AMB AWIL GUDD SULAIMAN COL MAXAMED KAHIN IYO MARXUUM DAB-LIBAAX.

July 6, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Magaaladda Burco  waxa ku nool  boqolaal  kun oo qof oo ka kooban dhamaan beelaha waawayn ee Reer Sheikh Isxaaq “HY, HJ, HA ,Arab “ iyo Gabooye. Sidaas ay tahay waxa la sheega khad cagaaran oo Burco u kala qaybiya Bari &  Galbeed.  Dadka qaar waxay yidhaahdaan   khadka Cagaaran waxa alifay  Saxaafadda Reer Galbeedka  ee  Jumhuuriya iyo Haatuf. Qaarna waxay ku nisbeeyaan   Siyaasiyiin  Reer Burco  oo ay mid yaheen Amb Awil, Gudd Sulaymaan, Col  Maxamed  Kaahin iyo Marxuum Maxamed Ismaciil Bulaale “ Dhab libaax” .Qormadan hore  waxaan  si kooban uga hadlay  taariikhda Burco oo la odhan jiray “ Ceel Gooni “ , lana unkay 1890.

NEW BURCO & KHADKA CAGAARAN

Magtii Mr Allen Giib oo ahayd 3,000  markii ay HY soo dhamaysay,   Ingriisku wuxuu fasaxy  in Burco  dib loo dego oo ceelasha laga cabo .  Sanadkii 1924, waxa carshaantii  ugu horeeyay bilaabay  beelaha  Reer Xussein HY iyo  Ciise Cibraan “ HJ”  oo deegaanka ka  ag dhawaa . Maanta Burco waxa wada degga  beelaha Isaaq oo dhan   HJ, HY, HA, Arab iyo Gabooye . Xaafadaha waawayn ee Burco   waxa ka mid ah -Oktoobar, Hodan Qaylo , Afgooye, Sayladda, Maxamed Cali, Baar Siigo, Koosaar;  Dhuurta, Abu Dhabi, Mac-hadka; Jarmalka, Tuurta, Kiinya iyo qaar kale. Reer Burco waxay ahaayeen bulsho isku duuban oo ul iyo diirkeed ah difaac iyo weerna wada gala.   laga bilaabo 1992  waxa  Burco  la  dhex mariyay  khad Cagaaran “ Green line” oo magaaladda u kala qaybiya Bari &  Galbeed . Waxa yaraaday  isdhex-galka bulshada, wada cawaynta, cado loolka iyo  caano Wadaaga . Khadkaa cagaaran iyo kala qo-qobka  waxaa nisbaynayaa Siyaasiyeen Reer Togdheer  ah  iyo Saxaafaddaa Reer Galbeedka ee   Jumhuuriya iyo Haatuf SIYAASIYIINTA  KU SUNTAN KHADKA CAGAARAN.

Ereyadda  Galbeedka &  Bariga Burco waxa sabab u ahaa    xasilooni darradii ka dhacday Somaliland 1992- 1996 .Waxa  naax-naaxiyay laba wargeys oo kasoo baxi jiray  Hargeisa oo kala ah  Haatuf & Jamhuuriya . Waxa dabka sii shiday  Siyaasiyeen kasoo kala jeeda labada beelood  ee walaalaha ah HY & HJ. Waxa inta badan bulshadu fartaa ku fiiqda  Amb Awil, Gudd Sulayman Gaal, Col Maxamed Kahin iyo Marxuum Maxamed Ismaciil Bulaale ‘ Dhab libaax

Amb Cawil waa siyaasi ruug cadaa ah laguna tilmaamo inuu yahay dawlad ku nool .Waxa lagu xantaa inuu  yahay nin dantiisa shakhsi ka hormariya  danta guud iyo danta gobolka uu kasoo jeedo. Wuxuu ahaa runkadii Taliskii Siyaad Barre,  Xisbiggii UDUB iminkana waa La-Taliyaha  Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigga Kulmiye. Wuxuu ku dhex fidiyay kuna qanciyay  waxgaradka  iyo waayeelka  HY inuu Madaxweyne Siilaanyo ka danbeeyay shirqoolkii lagu dilay Muj Abdilqaadir Koosaar, waxaanu sheegay inuu hayo cadaymo buugna ka qori doono.Dad badan oo HY  ka tirsan ayaa rumaystay  dacayadaas  calool xumana  u qaaday Madaxweyne Siilaanyo iyo beesha uu kasoo jeedo ee HJ.Guddoomiye Sulaymaan waxa lagu tilmaama inuu ahaa  shakhsigii  qandraaska ku qaatay dagaalkii ka dhacay Burco 1994. Waxa la xasuusta erayadii  naxliga iyo nacaybka xanbaarsanaa  ee  uu ka dhex yidhi Burco  “ Hadii  maleeshiyaadka HY   kaga bixi waayaan  BURCO muddo  24 saacadood gudahood  waxa cagaha la gelin dhiig” . Arrinkaasi  wuu dhabowbay oo Reer Burco waxay ku dabaasheen  dhiig.Maxamed Kaahin wuxuu  hogaamiye ka  ahaa minjo xaabintii dawladii Marxuum Cabdirahmaan Tuur ,  burburkii  iyo dagaalkii   dhacay 1994-1996. Marxuum Maxmed Ismaciil Bulaale  “ Dhab Libaax “ wuxuu ahaa Xoghayahii Guud ee Xisbiggi UDUB.  Wuxuu nidar ku maray inaanu Axmed Siilaanyo ku fadhiisan  kursiga Madaxtooyada waxaanu  hal-hays u lahaa  “ Axmedow –  Riyaale wuxuu ku fadhiyaa Dhab libaax “. Ereygaa faanka ahi waxay reebeen naxli iyo colaad.Hadaba, siyaasiyiintaas iyo qaar kale oo badani waxay   kala fogeeyeen bulshada ku dhaqan Goboladda Bariga Somaliland  oo ay ka muuqato dayac iyo horumar la’ani. Waxa tubtaas iminka haya Wasiir Cadaani iyo Cali Mareexaan.

Si dhaqankaas foosha xun  looga gudbo, waxa bilaabmay dhaq-dhaqaaq ay wadaan aqoonyahan iyo waxgarad deggan qurbaha oo fahmay gidaarka la dhex dhegay . Waxay ku dhawaaqeen Urur loogu magac daray Midnimo HH oo lagaga dhawaaqay LONDON  si dhaqso ahna ugu fiday qurbaha iyo gudaha Somaliland. Ujeedooyinka Ururkaas oo aan ka waraystay xubno u duun daloola, waxaan kaga hadli doona qormooyinka soo socda.

La soco qormadda danbe .

Drs Hoodo Yusuf, London, Uk,

yhoodo@yahoo.com

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now