“Qofka diinta waxa seejiya waa shaydaan iyo gaal is-xambaar ah, labadaba Quraanku si balaadhan ayuu inooga waramay oo inooga digay…” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

August 11, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa-(SLF)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa cadeeyey inay muhiim tahay in qof kasta oo islaam ah ku dedaalo siduu Diinta Islaamka ugu sugnaan lahaa, taasoo u suurtagelinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay iyo abaalmarinta jannadiisa.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Dirir kaga hadlay muhiimada mowduuca khudabaca eek u sugnaanshaha diinta islaamka ayaa ku bilaabay:

“waxa ugu wanaagsan ee nolosha aynu haysano waa Diinta Islaamka, qofku haduu waayo, darxumo inay u dhamaatay wax la hubo weeye, noloshuna micno uma lahaanayso. Wax aad u qiimo badan markaad hesho waxa wanaagsan inaad ku dedaasho waxii kuu ilaalin lahaa.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey arrimaha qofka u saamaxaya inuu diinta islaamka ku sugnaado ayaa sheegay inuu ugu horeeyo ku sugnaanshaha kitaabka Alle, waxaanu yidhi,

“Waxa ugu horeeya ee kuu saamaxaya inaad diinta islaamka ku sugnaato waa Quraanka, hadday tahay barashadiisa, xifdintiisa iyo ku dhaqankiisa. Ilaahay markuu bani’aadamka abuuray waxuu soo raaciyey kitaabka, waa xadhig qofkii qabsada dabaylaha iyo duufaanada uu kaga badbaadayo. Quraanku inuu yahay shayga ugu weyn ee qofka diinta ku suga Ilaahay baa cadeeyey. Qofka diinta waxa seejiya waa shaydaan iyo gaal is-xambaar ah, labadaba quraanku si balaadhan ayuu inooga waramayo oo inooga digay.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in nin ku hadlayey afka Aqalka cad ee Maraykanka dhowaan uu sheegay inay wadamada carabta qaateen mowqif, waxaanu yidhi,

“Waxa layaab leh in nin ku hadlayey afka Aqalka cad ee Maraykanku dhowaan sheegay inay Carabta isla garteen in masaajidada iyo khudbadahooda la shaandheeyo. si muslim dhexdhexaad ah u hadli karaan.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey arrinka labaad ee qofka diinta ku sugi kara ayaa sheegay inuu yahay inuu qofku Ilaahay rumeeyo, imaankiisana ka dhabeeyo, waxaanu yidhi,

“Arrinka labaad ee qofka ku sugaya diintiisa waa inuu Ilaahay rumeeyo, iimankiisana ka dhabeeyo oo camal wanaagsan sameeyo. Sida Ilaahay aayad micnaheedu yahay inoogu sheegay, “dadka muuminiinta ah Ilaahay wuu sugayaa aduunyada oo fitnada iyo fasaadku waxba ka qaaday, qabrigana ku sugayo, oo su’aalaha si wanaagsan uga jawaabi doono.

Arrinka kale qofka ku sugaya diintiisa waxa ka mid ah inuu daraaseeyo qisooyinka badan ee kitaabka ku sugan, ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Arrin kaloo sugaya qofka diintiisa waa inuu daraaseeyo qisooyinka badan ee kitaabka ku sugan, oo aad u soo noqnoqda, sirta ku jirtana tahay sida Ilaahay inoo sheegay in qalbiga Nebiga NNKH iyo qofka islaamka ahba lagu sugayo, diintiina ku sugmayo, isla markaana qofku aanu simbiriirixanayn.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in baryada Ilaahay ka mid tahay waxyaalaha qofka ku suga diintiisa, waxaanu yidhi,

“Baryada Ilaahay waxay ka mid tahay waxyaalaha qofka ku suga diintiisa, marwalba waa inaynu Ilaahay barino, sida muuminiintaba Ilaahay uga waramay siday u baryi jireen “Ilaahow qalbigayaga ku sug diinta, intaad na hanuunisay ka dib’ Nebi Maxamed NNKH ducadan ayuu badin jiray, “Ilaaha qalbiyada rogrogow, Diinta ku sug qalbigayga.’ Caa’isha RC markii ay weydiisay Nebiga NNKH ducadan aad ayaad u badisa, waxuu ugu jawaabay “Qalbigu laba farood ee Ilaahay ayuu ku dhexjira, hadba siduu doonu u rogaa. Markaa ducada waa inaynu aad u badinaa, weliba xilliyada Nebigu NNKH tilmaamay in ducada la aqbalo, xilliga eedaanka, wakhtiga dambe habeenkii.

Arrin kaloo inoo sahlaya inaan diinta islaamka ku sugnaano ayuu sheegay Sheekh Maxamed inuu yahay xuska Ilaahay, waxaanu yidhi,

“Xuska Ilaahay waxuu ka mid yahay arrimaha diinta islaamka innagu sugaya, sababtoo ah qofku waxuu jecelyahay ayuu ku celceliyaa. Markaa qofkii doonaya inuu sugnaanshiiya helo waa inuu xuska Ilaaahay afkiisa ku batto. Sida Ilaahay inoo sheegay ‘Qalbiga werwersan xuska Ilaahay ayuu ku degaa’ Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis ku sheegay micnahiisu yahay “Qofka Ilaahay xusaya iyo qofka aan xusayn waxay kala yihiin sidii qof nool iyo mid dhintay. Markaa qofku hadaanu Ilaahay xusayn waa meyd, habba noolaadee. La soco qeyb dambe.

 

 

 

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now