QODOBADII KA SOO BAXAY WADA-HADLADA SOMALILAND IYO KHAATUMO EE SHIRKA DJIBOUTI.30 MARCH 2017

March 30, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Waxaa 25 March 2017 ilaa 29 March 2017 ka bilaabmay shir ay isku yimaadeen Guddida Wada-hadalka ee Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo ka qabsoomay  Dalka Djibouti.

Shirkaas oo ku bilaabay, kuna dhamaaday is afgarad qodobadii laga wada hadlayey.

Shirkaas waxaa laysla gartay, oo ka soo baxay qodobadan soo socda:

1.     Waxaa laysla qaatay in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad), si buuxdana u tageerno, iskuna garab taagno Guddida nabadeynta ee hawshaa gacanta ku haysa.

a.     Waa in wixii faro galin ah, gudaha iyo dibadaba ee wax yeelayn kara  nabadeynta labadaas Beelood meel looga soo wada jeesto.

2.     Waxaa si buuxda layskula qaatay in hawlaha Abaaraha iyo horumarinta deegaamadaas layska kaashado si wadajir ah.

3.     Waxaan si wadajira ugu baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, ay ka hawl galaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka aaney hore u tagi jirin, halkaas oo aaney imika wax nabadgelyo daro ahi ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.

4.     Waxaa laysla gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada, sidaa daradeed waa in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aaney hore uga  jirin, ha’yadaha samafalkuna doorkooda ka qaataan.

5.     In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara hanaanka wada-hadalada laba dhinac.

6.     In wixii dhiig iyo dhaqan ku saabsan lala kaashado goloyaasha dhaqanka si wadajira.

7.     Waxaa laysla qaatay in guddidii farsamadu  soo diyaariso qabashada shirka danbe , soona cayinto goorta iyo goobta sida ugu dhakhsaha badan.

8.     Waxa laysla qaatay in yoolka wadahadaladeena uu saldhig u yahay is aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo, horumar dhan kastaba ah.

 

Gudoomiyaha Waftiga Somaliland

Mr.Maxamed Mixile Boqore.

_____________________________

 

Gudoomiyaha  Waftiga Khaatumo

Mr.Maxamoud sheikh Cumar Xasan.

______________________________

Allaa Mahadleh.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now