Nuxurka Kullan Ballaadhan Oo Xalay Uu Xisbiga WADDANI Ku Yeeshay Magaalada Ceerigaabo + saw

August 12, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Ceerigaabo (SLF)-Garabka dhalinyarada Heer-qaran ee Xisbiga WADDANI  ayaa habeenkii xalay ahaa kullan balllaadhan magaalada   Ceerigaabo kula yeeshay garabka dhalinayarad ee Xibiga WADDANI ee gobolka Sanaag, kaasi oo ahaa mid lagu dar-dar-gelinayo hawlaha diwaangelinta .

Kullan ayaa waxa ka qayb-galaya Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga  Maxamed Cali Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDDANI, iyadoo kullankanu uu daaranaaa dar-dar-gelint hawlaha diiwaangelinta iyo u diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

Guddoomiyaha Heer-qaran ee garabaka dhalinyarada Xisbiga WADDANIA ayaa  ka waramay ujeedada uu daraana kullanakaasi waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan :-”Caawa  xalay waxaanu kulan muhiima la qaadannay maamulka heer gobol, heer Degmo ee garabka dhallinyarada Gobolka Sanaag. Ujeedka kulanka oo ahaa sidii loo dardargelin lahaa shaqada dhallinyarada Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag muddada kooban ee ka hadhay doorashada iyo wacyigelinta kaadh qaadshada.”ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhamme

 

Isagoo haddalkiisa siiwata ayaa wuxuu intaasi ku daray“Sanaag waxa ka dhisan kooxa hawleedyo abaabulan iyo dhallinyaro isbedelku ka dhab yahay oo diyaar u ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen guusha doorshada uguna codayn lahaayeen Xisbiga dhallinyarada iyo caddaalada WADDANI.” Ayuu yidhi Guddoomiye Dhamme

 

 

Gunaanadkii guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay soo kormeeridoonaan dhammaan  xafiisyada gobolka sanaag ee dhalinyarad Xisbiga WADDANI “Hoggaanka dhallinyarada heer qaran waxay soo kormeeri doonaan laamaha dhammaan Degmooyinka iyo laamaha gobolka Sanaag ee garabyada dhallinyarada Xisbiga WADDANI, muddada ay joogaan deegaanka Gobolka Sanaag.

1 2 3 4

 

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now