Nolol La Xasuusto – Qeybtii 11aad – Siciid Maxamed Gees

April 6, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Nolol La Xasuusto

Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 11aad

Nin dhintay iyo nin dhoobay, tegay wax isma dhaamaan eh

Nin dhalmaayo dhiiga u gashay, ayaan dhimana noolayn eh

Maxamed Cabdulle Xasan

In 1856 ayaa waxa Richard Burton soo saaray buugga uu ku magcaabay “First Footsteps in East Africa.” “Socdaalkii ugu Horreeyey ee Bariga Afrika.” Kaasoo uu kaga sheekaynayo socdaal u ku kala bixiyey magaalooyin xeebaha Galbeed ee Somaliland ka mid ah (Saylac, Berbera) iyo magaaladda taariikhiga ah ee Harar ama Adari.

Gacan-yarahiisii Speke waxa uu isna tagey xeebaha Bariga Somaliland ee Geel-weyta iyo Laas-qoray iyo dooxda Jiidali. Waxa Burton uu ku soo qaaday sheekada socdaalkiisa in Soomaalidu ay degaan ka dhigato oo aqalada ka dhisato meelo tag ah oo biyo-mareenada ka durugsan.

Markii uu weydiiyey sababta ay meelahaasi u degaan oo biyo-fadhiisiga uga dheeraadaan, waxay u sheegeen Kaneecadu meelahaas biyoleyda ku badan tahay oo ay dadka qaadsiiso cudurka dhuumada markay qaniinto.

Ricchard Burton warkaas Soomaalida dheel-dheel ayuu u qaatay oo waa ku jeesteeyey. Reer Yurub waxay rumaysnaayeen in cudurka Malaria laga qaado hawo ama laydh xun. Sida magaco tilmaamayo oo ah erayo Talyaani ah: Mala (Xun) iyo Aria (Hawo).

Haddaba, sannadkii 1897 oo afartan sanno laga joogo sheekadii Richard Burton uu Soomaalida ka soo weriyey, ayaa Dhakhtar Donald Ross oo Ingiriisa ahaa, haseyeeshee Dalka Hindiya joogay uu xaqiijiyey in cudurka Malaria ama Duumada ay fidiso qolo Kaneecada ka mid ihi. Ma qirin inuu xogtaasi ka soo dheegtay waayo-aragnimadii dadka Soomaaliyeed oo laga yaabaa uu ka akhriyey buuggaas uu qoray Richard Burton.

Qolodii Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Mashruuca Dabar-goynta Cudurka Furuqa aan isku baranay, ayaa ii soo bandhigay inaan shaqaalahoogu ku soo wareego oo ka mid noqdo. Waxa loo baahday inaan oggolaansho ka helo dawladda Soomaaliyeed.

Haddaba markaan Wasiirkii Caafimaadka oo ahaa Dakhtar Maxamed Aadan Sheekh oo aan ka wada hawlgeli jirnay cusbitaalkii Digfeer oo markii Askartu xukunka boobtay lagu magcaabay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, ayaa horjoogsaday oggolaashihii oo yidhi; “Dalka kama tegaysid Siciid Geesaw.” Deeto, waxa uu iigu magcaabay Isu-duwaha Adeegga Hakinta Duumada oo ay taageeri jirtay Hay’adda WHO, oo ku- xigeen la igu soo magcaabay mar dambe Cali Mahdi Maxamed oo Jabhaddii USC ku magcaabatay Madaxweyne markii 1991 xukuumaddii iyo Madaxweyne Siyaad Barre maleeshiyadii Hawiyuhu Xamar ka baacsadeen.

Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ahaa nin waddani ah inkasta oo ay Maxamed Siyaad Barre isku beel ahaayeen, haddana tiroba laba jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. Kulliyadda Caafimaadka ee Dhakhaatarta Soomaaliyeed ka soo qallin-jebiyeen intaan Kulliyadaha caafimaadka ee Camuud iyo Hargeysa la furin;

waxa dedaal keli ahaaneed ku dhisay Dr. Maxamed Aadan Sheekh, markuu Dalka Talyaaniga ku geeriyooday sanandii 2010 waxa uu dhaxalkiisii ku dardaarmay in cusbitaal carruurta ah lagaga dhiso meeshii nabad ah ee ka mid ah arlada Soomaali degto. Cusbitaalkaas oo Hargeysa laga dhisay. Mar aan Hargeysa 2014 kii tegay, ayaan soo booqday cusbitaalka oo shaqaynayaa oo laga dhisay meel uu ka dhisnaan jiray guri aan degenaan 1957.

Waxan kale isla sannadkaasi aan soo booqday Xarunta Hakinta Duumada (Anti- malaria). Xarun kooban oo shaqaalo yari ka hawlgalaan. Dakhtarkii joogay ayaannu si fiican uga sheekaysanay hawsha Cudurka Duumada.

Waxa kale oo aan waqti u helay inaan soo booqdo Xarunta Bisha Cas iyo Shaybaadhkii Cusbitaalka Hargeysa oo aan labadaba ka soo shaqayeeyey waqti hore. Waa aan ku farxay hawlaha halkaas ka socda iyo dhalinyarada dedaalaysa ee ka hawl gasha xarumahaas.

Waxa aan xasuustay waayadii aan ka soo shaqeeyey adeegyadaas bulshada, taas oo kaalin ka qaadatay cimrigayga iyo caafimaadkayga oo manta aan sagaashan caafimaad ku soo gaadhay. Waxa la xaqiijiyey haddii daryeelka iyo wanaagga bulshada aad ka hawlgashad oo aanad xoolo-raadin iyo mansab raadin iyo naftaada ku mashquulin in cimri iyo caafimaad dheer aad helaysid.

Waxa habboonayd in Shaybaarku iyo Laanta Hakinta Duumadu ay xarumahoodu ka weynaadaan xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee fooqyada loo dhisay ee saacadaha yar lagu dhex sheekaysto oo shaqaalaha badan ee waxay qabanayaan la garanayn ay dhex joogaan. Weli adeegga dadweynaha hanti looma huro ee waa weli maamulka ayaa isku kooba.

Markii aan hawlgalka ka bilaabay laanta adeega hakinta duumada. Waxa dedaalkii aan samaynay ka mid ahaa, raadinta kalluun cuna yaruurac kanaacada inta aanay duulin ee biyaha ku jirto. Berkaddu ayaan ka samaynay magaala-madaxyada goballada dalka. Halkaas ayaan ku beernay kalluunkii. Waxa hawsha gacan nagu siisay Hay’adda WHO oo nin khabiir ah noo keentay. Kalluunka ayaa lagu riday meel kasta oo biyo lagu kaydiyo sida baraagaha balliyadaa iyo ceelasha afka ka furanba iyo durdurada.

Gobalka Togdheer oo baraagguhu ku badan yihiin, markii hore dadweynuhu waa ka shakiyey, haseyeeshee markii dembe iyaga ayaaba soo doonan jiray. Waxay arkeen Kaneecadii oo ka yaraatay iyo biyihii oo nadiif noqday markii saaruuqdi cagaarka ahayd uu ka cunay kallunkii.

Waxa kale ay ka heleen cunto markii kalluunkii koray. Waxa aannu raadinay annaga oo la kaashanayna WHO kalluun marka biyuhu ka idlaadaan jilaalkii ee meesho qalasho aan ukuntiisu dhimanayn ee qof isku wareejinayso oo hadhaw marka biyo meeshii galaan ay ukuntii dib-u-dilaacayso oo kalluun u korayso.

Dedaalkaas ayaan ku ladhnay buufintii guryaha iyo wacyigelintii dadweynaha iyo baadhitaankii dhiigga dadka si tirkoob sugan looga heli dadka duumada u soo dhaca sanadkii carruur iyo waayeelba iyo dawo siintooda.

Intii aan xilka hayey waxan tababar u tegay dalka Filibiin sannadkii 1971 dhammaadkiisii, aniga oo ku sii hakanay magaaladda Hongkong oo markaas Dawladda Boqortooyadau Midawday (UK) gacanta ku hayso, hadda waa qayb dalka Shiine-weyne ka mid ah. Waxay ahayd in aan saacado joogno. Magaaladii ayaan u dhaadhacay oo kas ugu hadhay diyaraddii si aan u dalxiiso oo u daawado magaalada.

Waxa iigu yaab badanayd waxan tagey Banki (Bank) si aan lacag u sariftu. Lacagta aan sariifka ku doonayaa waa boqol shilling oo Soomaali ah oo hal warqad qudha ah. Yaabka yaabkii qasnajigii bug ayuu eegay waa ii sariifay lacagtii! Shirkaddii diyaraadaha ayaan u tegay oo huteel i geyeysay habeenkii aroortii dembe diyaarad ilaa Manila magaalada madaxda Filibiin i saartay. Lacag Soomaaliyeed oo Hongkong lagu

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
thumbnail_Dr-Mohaamed-Abdilahi MAQAAL: Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .    April 11, 2017
Q1aad : Falsafadda dawladnimo : ..................................................... Dawladnimoda i
thumbnail_mahad Hargaysa, Caasimad la hagraday (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)    April 6, 2017
Caasimada Hargaysa ee Jamhuuriyada Somaliland waxay baarka ka jartay 25 sanno hase yeeshee isbedel l
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now