Muuse Biixi oo tacsi diraya

March 30, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

30 March 2017

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, laamaha kala duwan ee xisbiga iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Hindiya caawa oo taariikhdu tahay 30 March 2017, halkaas uu u tagay xaalad caafimaad.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi halyey taariikh wayn ku lahaa dalka oo naftiisa iyo aqoontiisaba u soo huray badbaadinta iyo horumarinta dadka reer Somaliland, isagoo ahaa sarkaalkii la wareegay taliskii iyo hoggaamintii dagaalkii cuslaa ee Burco-duuray ku dhexmaray xooggagii SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre 17/10/1984-kii oo uu weliba ku dhaawacmay, kadib markii uu ku geeriyooday Taliyihii hoggaaminayey ciidankii SNM Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle). Waxa kaloo uu door wayn ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii iyo horumarinta hannaanka dawladnimada Somaliland oo uu ka soo qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo Qaranka Somaliland-na uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE


Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now