Musharax Cirro Oo Ka Haddlay Socdaal Uu Bari Ugu Kicitimayo Dalka Boqortooyada Ingiriiska Iyo Faaf-faahin Uu Ka Bixiyey Nuxurka Khudbad Caalami Ah Oo Uu Ka Jeedin-doono Xarunta Chatham House

March 12, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (SLF) Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna  musharax  Madaxweyne ee Xisbi  Mucaaradka ah ee  WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ka haddlay socdaal uu isniinta  beri ah ugu baxayo dalka ingiriiska, gaar ahaana magaalada London, iyadoo uu musharax Cirro uu martiqaad rasmi ah ka helay xarunta lagu falaqeeyo Siyaasada ee loo yaqaano Chatham House, halkaasi oo uu Musharax Madaxweyne ee Xisbi Muacaradka WADDANE Dr C/raxmaan Cirro ka jeedin doono khudbad dheer oo aad u  qiimo badan, taasi  oo ay madax badin ka soo qayb-geli doonto dhegeysigeeda.

 

Musharax  Xisbi Mucaaradka WADDANI Dr C/raxmaan Cirro  oo maanta wareysi gaar ah siinayey Tv-ga HCTV, ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedda socdaalkiisa  uu beri ugu kicitimayo dalka ingiriiska , waxaanu  sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay xarunta lgu falaqeeyo siyaasada ee loo yaqaan  Chatham House ee ku taala magaalada London, isagoo sheegay inuu ka jeedin doono khudbad uu kaga haddlayo  Jamhuuriyada Somaliland marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay iyo xaalada abaareed ee hadda ka taagan iyo geedi socodka dimuqaraadiyada somaliland iyo doorashooyinkan “Waxaan marti qaad rasmi ah ka helnay guriga  Arrimaha siyaasada lagu falaqeeyo ee loo yaqaano Chatham House  ee ku yaala magaalada London oo inta badan lagu martiqaado siyaasiyiinta iyo madax-da dowladaha .”Ayuu yidhi Musharax Dr Cirro

Dr C/raxmaan Cirro oo  haddalkiisa sii wata ayaa  ka haddlay nuxurka iyo qodabada  ugu mihiimsan khudbada uu ka jeedin-doono xarunta Chatham HouseArrinta aan ka haddli doono ee ugu mihiimsani waa arrinta Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland  gaar ahaan doorashooyinka  iyo abaaraha. “Ayuu yidhi Musharax Cirro.

 

Gunaanadkii Musharax Cirro ayaa haddalkiisa ku soo gunaanaday”Anniga wax shaqsi ah oo wey inay ii noqon ma qabo, lakiin magaca Somaliland  baan ku socdaa oo aan ku matelayaa , markaa Somaliland magac ayey u tahay in mid kamid ah caruurteedu uu ka qayb-galo, doodaha halkaasi “ Xarunta caalamiga ah ee Chatom Hose “lagu qabto, waxa lagaga haddlayaana ay Somaliland tahay iyo iibinteeda & qadiyadeed iyo taariikhdeeda , dad badan ayaa maqli doona Somaliland oo aan hore u maqal, waxay guud ahaan u tahay Somaliland magaca iyo maamuuse”Ayuu yidhi Musharax Cirro


Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
jk Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland    March 24, 2017
ilaahay baa mahad leh, waxaan halkan duco iyo salaamad ugu dirayaa Gudiga Abaaraha Qaranka ee Culima
Madaxweyne Kastaba Hoggaamiye Ma Noqon Karo: W/Q Cabdiraxmaan Cadami    March 22, 2017
Inkasta oo dadka qaar isku qaldo labada darajo, Madaxweyne kasta ma noqon karo hoggaamiye laakiin, h
Ahmed wall Qormo taxane ah oo Ribada iyo Muraabaxada ka hadlaysa    March 18, 2017
In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalate
cabdi caydiid MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)    March 14, 2017
Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_Mustafe MAQAAL: Maxaa U Dhaxeeya Baggiyada Islaamiga ah Iyo Banggiyada Ganacisga (Ribawiga ah)    March 11, 2017
1. Waa maxay Banggi Dul-saar leh (Ribo) Conventional Banks? 2. Waa maxay Banggi islaamiya? 3.
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
March 2017
M T W T F S S
« Feb    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now