Mucaaradka iyo Taageerayaasha Madaxweynaha Masar oo isku Dhacay iyo dhimasho iyo dhawaac ka dhashay

December 7, 2012 - Written by Editor

Mucaaradka iyo Taageerayaasha Madaxweynaha Masar oo isku Dhacay  iyo dhimasho iyo dhawaac ka dhashay

Hargeysa(Somalilandfuture)Taageerayaasha Mucaaradka dalka Masar oo dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan dastuurka cusub ee uu dhawaan soo bandhigay madaxweynaha dalka Masar Dr. Maxamed Mursi iyo taageerayaasha madaxweynaha ee u badan kooxda Ikhwaanul Muslimiin ayaa dagaal qaraar oo gacanta la iskula tagay ku dhex maray dibada hore ee Qasriga Madaxtooyada dalkaas, halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka dalka Masar ee Middle East ilaa afar ruux ayaa ku dhintay, halka in ka badan sadex boqol iyo konton qofna dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen isku dhacyadaas iyo rasaas ciidamada ammaanku ku fureen dhinacyada rabshaduhu u dhexeeyeen.

Mid ka mid ah hawl wadeenada gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee dalka Masar oo lagu magacaabo, Dr. Maxamed Suldaan ayaa wakaalada wararka bariga dhexe ee laga leeyahay dalka Masar u sheegay in uu isagu arkay ilaa sadex ruux oo rasaas lagu furay ku dhacday oo u geeriyooday, kuwaas oo la geeyay wakhti xaadirkana yaala Isbitaalka Hilobolisi lagu magacaabo.

Maxamed Suldaan ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada in sadexdaa qof magacyadoodu kala ahaayeen, Maxamuud Maxamed Ibraahin, Maxamed Khalaf iyo Maxamed Mamduux Axmed, halka uu xaqiijiyay in tirada dhaawaca gaaray sadex boqol afartan iyo lix qof.

Sidoo kale warar laga helayo goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in uu jiro qof afraad oo isaga laftiisu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rabshadadaha, waxaanay dadka goob jooga ahi sheegayaan in goobtaasi isku badashay meel dagaal oo xaaladu faraha ka baxday.

Sida goob joogayaashu u sheegeen wakaaladaha wararka waxa tirada khasaaraha sii kordhiyay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada ammaanka oo goobta yimid, kuwaas oo qiiqa dadka kaga ilmaysiiya ku furay mudaharaadayaasha labada dhinac si ay u kala dareeriyaan.

wariye siciid xuseen 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
zaad-service-banner Telesom oo Liblaabtay Boobka iyo Bililiqadda ay ku Hayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland iyo Dhaqamad Cusub ee aan ladhayal san karin    June 19, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture) shirkad telesom oo ka mid ah shirkadah isgaadhsiineed ee dalka ayaa, mudo
Daahir Calasaw ILA-EEG iyo KULA-EEGAY ee khamiis laha ahaa oo aan khamiistii idiin soo gudbin barnaamijkii oo maanta eegaya Daahir Culusaw iyo weerarka uu ku hayo Dahab-shiil.    June 18, 2013
     ILA-EEG:  Waxa la yidhi beleda aan kaa qoslini belo maaha, miyaa aragteen yarkii mooryaank
xulka-Maroodi-jeex Maroodi-jeex Oo U Gudbay Ciyaarta kama Damaysta, Markii ay 2-1 Kaga Tallaabsadeen Xulkii Gabiley    June 18, 2013
Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) ayaa galabta u gudbay ciyaarta kama damaysta e
Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia    June 18, 2013
HARGEYSA (Halgannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogola
wasiirka-duulista Xukuumadda Somaliland oo Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u Horeysay ee ogolaansho ka soo Qaatay Somalia    June 18, 2013
HARGEYSA (SLF)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho k
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2013
M T W T F S S
« May    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    5 visitors online now